Cabdulaahi Maxamed Shirwac “ Talyaaniga laba arrimood mid ha yeelo in uu Soomaaliya Saaxiib la noqoto iyo in uu na Bililleysato”
Khadiijo Cabdulaahi Maxamed “Talyaaniga waa na yaqaan Dhagax ayaan Dalkaan uga saarney maanta oo aan Xor nahay marnaba ka yeeli meyno in uu Baddeena Bilililqeysto”
Waxaa Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeeda Boobka lagu hayo Badda Soomaaliya gaar ahaan Dowladda Talyaaniga ka dib markii la ogaadey in ay qayb ka tahaya Xaalufinta Badda Soomaaliya ha noqto Khayraadka kala duwan ee ka buuxa Badda Soomaaliya , waxaana Banaanbaxaan soo qaban qaabiyey Dalladda aan Dowliga hayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya SOSCENSA
Banaanbaxaan oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada sida ardeyd Jaamacadha, kuwa Dugsiyada, Ururrada Shaqaalaha , Ururada Iskaashatooyinka , Haweenka, Dhaliyarada iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa ugu horeyntii ka Hadley Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha waxaa uu yiri
“Shirkadda ENI ee lga leeyahay wadanka Talyaani ee horay u gumeystay Soomaaliya waa in ay si deg deg ah u joojiso howlaha Baarista shidaalka kana baxdo Badda Soomaaliya. Sidoo kale Shirkadaha sida Sharcidarada ah uga kaluumaysta ama Sunta halista ah ku quba Baddeenna waa in la Maxkamadeeyo magdhowna laga qaado. “
Xubnahii kale ee hakaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo sheegey in inta badan Dowladihii iyo Shirkadihii faraha kula jirey Badda Soomaaliya ay dib uga laabteen marka laga reebo Shirkada Talyaaniga laga Leeyahay ee Lagu Magacaabo ENI Taasoo Gudoomiyaha Sheegey In ay Xaalufin weyn ku hayso Kharaadkii Badda Soomaaliya waxaa uu sii raaciyey
“ Bulshada Rayidka manaba u dul qaaadanmeyso Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya waxaana u soo jeedineynaa Talyaaniga laba arrimood mid ha yeelo in uu Soomaaliya Saaxiib la noqoto iyo in uu na Bililleysato sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Waraahinta in ay ka qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya
Khadiijo oo ku hadleysey Magaca Daladda COGWO ayaa waxay tiri “ Talyaaniga waa na yaqaan Dhagax ayaan Dalkaan uga saarney maanta oo aan Xor nahay marnaba ka yeeli meyno in uu Baddeena Bilililqeyso marka waxaa ugu baaqayaa Dowladda Talyaaniga in uu Deg deg u joojiyo faraha uu kula jiro Badda Soomaaliya
Waxaa halkaa iyana ka Hadley Jaamacadaha , kuwa Dugsiyada , Ururrada Shaqaalaha,Iskaashatooyinka, Haweenka, Dhaliyarada waxayna dhamaatood sheegeen in ay ka dagaalami dooaan Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya sidoo kale waxay u soo jeediyeen Beesha Caalamka in ay Talaabo ka qaadaan Dowladaha Caadeystey in ay Boobaan Khayraadka ka buuxa Badda Soomaaliya
Ugu Dambeyntii Ururada Bulshada ayaa Banaanbaxaas ka soo saarey Qodobadaan
1-Shirkadda ENI ee lga leeyahay Wadanka Talyaani waa in ay si deg deg ah u joojiso howlaha baarista Shidaalka kana baxdo Badda Soomaaliya.
2-Sidoo kale, Shirkadaha sida sharcidarada ah uga kaluumaysta ama Sunta halista ah ku quba Badeenna waa in la Maxkamadeeyo mag dhowna laga qaado.
3-Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxaan uga mahadcelinaynaa ixtiraamka Midahaanshaha Dhulka, hawada iyo Badaha Soomaaliyeed waxaana ka codsaneynaa in ay hor istaagana wadamada iyo Shirkadaha ku soo xadgudbaya Badaha Soomaaliya.
4-Shacabka Kenya guud ahaan iyo Bulshada rayidka ah waxaan u soo jeedinaynaa in Dowladdooda ka qabtaan ku xadgudubka Badda Soomaaliya waayo falkaas wuxuu xumayn karaa daris wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada umadood.
5-Haddii aan nahay banaanbaxayaasha maanta taagan fagaarahan waxan ayideynaa ganaaxa Xeer ilaalinta Qaranku ku soo rogtay Shirkadaha shisheeye ee Badda Soomaaliya ka wada baaritaanka shidaalka.
Ugu dambeyntii, dadwaynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan u soo jeedinaynaa in ay ku baraarugsanaadaan boobka sharcidarada ah iyo weerarka qaawan ee lagu hayo khayraadka Dihin ee dalkooda kana hortagaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.