Home » Warar »

Shaqaale aad u fara badan oo laga eryey Dekedda Muqdisho oo Sameeyey Banaanbax Balaaran

Waxaa Saakey Albaabka hore ee Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho ku hor Banaanbaxay Shaqaale aad u fara badan ka dib markii  laga eryey Shaqadii ay ka hayeen Dekedda Magaalada Muqdisho , waxayna Shaqaalahaas Banaanbaxooda uu ahaa mid Nabadeed iyadoo intooda badan ay siteen Kaararkodii Shaqo ee aqoonsiga .

Qaar ka mid aha Shaqaaalaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo Wajiyadooda ay ka muuqatey Caro aad weyn ayaa qaar ka mid ah waxay  Warbaahinta u sheegeen  in  eryadooda ay ka dambeysey Dowladda Federaalka waxay sii raaciyeen “Waxay Qoysaskeeana  ay qarka u saaran yhiin in Guryaha nagala saaro isla markaan ay Caruurteena ay ku dhacdo Waxbarasho la’aan  “

shaqaale

Bananbaxaas ayaa waxaa Shaqaaalaha Shaqada laga joojiyey la Hadley Gudoomiyaha Isutaga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa waxaa uu sheegey in urur ahaan ay aad uga xun yihiin in Shaqaale intaa la eg hal mar  qura Shaqada laga joojiyo waxaa uu sheegey in arrintaan ay keeni karto in Dhalinyaro fara badan ay dalka ka tahriibaan nafsadoodana  ku Biimeeyaan Badaha Caalamka

Dhawaan ayey ahayd markii Shaqaalihii Muruq maalka ee ka Xaamaalan jirey Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho  ka dib markii Shirkad laga leeyahay Wadanka Turkiga oo lagu magacaabo AlBayrah lagu wareejiyey Dekedda Magaalada Muqdisho taasoo aad u dhintey Muruqmaalkii Dekedda markii ay la timid Qalab Casri ah oo loogu Talagaley Dhoofinta iyo Dejinta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.