Waxaa Saakey Albaabka hore ee Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho ku hor Banaanbaxay Shaqaale aad u fara badan ka dib markii laga eryey Shaqadii ay ka hayeen Dekedda Magaalada Muqdisho , waxayna Shaqaalahaas Banaanbaxooda uu ahaa mid Nabadeed iyadoo intooda badan ay siteen Kaararkodii Shaqo ee aqoonsiga .
Qaar ka mid aha Shaqaaalaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo Wajiyadooda ay ka muuqatey Caro aad weyn ayaa qaar ka mid ah waxay Warbaahinta u sheegeen in eryadooda ay ka dambeysey Dowladda Federaalka waxay sii raaciyeen “Waxay Qoysaskeeana ay qarka u saaran yhiin in Guryaha nagala saaro isla markaan ay Caruurteena ay ku dhacdo Waxbarasho la’aan “
Bananbaxaas ayaa waxaa Shaqaaalaha Shaqada laga joojiyey la Hadley Gudoomiyaha Isutaga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa waxaa uu sheegey in urur ahaan ay aad uga xun yihiin in Shaqaale intaa la eg hal mar qura Shaqada laga joojiyo waxaa uu sheegey in arrintaan ay keeni karto in Dhalinyaro fara badan ay dalka ka tahriibaan nafsadoodana ku Biimeeyaan Badaha Caalamka
Dhawaan ayey ahayd markii Shaqaalihii Muruq maalka ee ka Xaamaalan jirey Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Shirkad laga leeyahay Wadanka Turkiga oo lagu magacaabo AlBayrah lagu wareejiyey Dekedda Magaalada Muqdisho taasoo aad u dhintey Muruqmaalkii Dekedda markii ay la timid Qalab Casri ah oo loogu Talagaley Dhoofinta iyo Dejinta
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.