Home » Warar »

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo kala Direy Golahii Adeegga Garsoorka

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo si weyn uga Soo Horjeestey Kala Diristaas

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu kala diray Golaha Adeega Garsoorka Dalka Wareegtada Xafiiska Madaxweynaha ka soo baxadey marka ay aheyd Taariikhda 11/3/2015-ka. ayaa la sheegay Wareegtadaan oo 11-kii Bishaan in wixii ka dambeeya Maalintaasi dalka aysan ka jirin Adeeg Garsoor Maadaama Golahaasi aysan ku dhisneyn sharci waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay kala dirista Golaha Adeega Garsoorka in aysan saameeneyn Gudoomiyaha Maxkmada sare ee Dalka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha adeega Garsoorka

Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo goor dhow qabtey Shir Jaraaid ayaa si weyn uga soo hor jeestey kala diristii Guddiga adeega Garsoorka ee Madaxweynaa in aysan waafaqsaney Dastuurka iyadoo Shrkaas jaraaid ay fadhiyeen Sagaalka Xubnood ee Guddiga adeega garsoor

Gudoomiyaha Maxakamada Sare Caydid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa hore u sheegey in Dowladda Fedeaalka aysan kala diri Karin guddiga adeega Garsoor isagoo sheegey in Guddiga uu yahay mid madaxbanaan marka Dowladda Xaq uma laha in ay kala dirto Guddigaas

Halkaan ka akhrisi Wareegtada ka soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha

Riix sawirka si aad u aragtid wareegtada

Riix sawirka si aad u aragtid wareegtada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.