Home » Warar »

Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxyo iyo Weerar lagu qaadey Madaxtooyada Magaalada Baydhabo

Gaari yar oo lagu soo Xiray Walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhaboo ee Xarunta Gobolka Bay. Warar Is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qaraxaas Ismiidaaminta iyo sidii uu u dhacay iyadoo wararka qaar ay sheegeen in Qaraxaasi markii uu dhacay ka dib in Ciidan aad u Hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta Madaxtooyada oo ah meel si aad ah loo ilaalyo

Warar kale in gaarigaas markii uu qaraxay uu daba socdey gaari kale oo la sheegey in ay saarnaayeen Ciidamo aad u hubeysan kuwaa oo hore u galey Xarunta Madaxtooyada waxaana la sheegey in Raggi aad u hubeysnaa ay bilaabeen dagaal aad u qaraar oo la sheegey in uu socdey muddo Saacad ka badan

Wararkii ugu dameeyey ee naga soo gaary Magaalada Baydhaboo ee Xarunta Gobolka Bay.waxay sehegayaan in in Qaraxaasi iyo Dagaalkaas ay sababeen Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo ay ku jiraan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom sidoo kale wawar baa sheegaya in gaari kale waxyaabaha qarxa ka buuxaan oo ay ka tageen Ragii Hubeysnaa ay hore u qaateen Ciiidamada Dowladda ka dib waxaa lagu waramey in uu ku qarxay Garigas oo sababey Dhimasho iyo Dhaawac , wararkii ugu dameebey waxay sheeegayaa in Dagaalkii ay soo afjareen Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom

.Xarakada Alshabaab ayaa sheegatey in Magaalada Baydhabo ka fuliyeen Qaraxyadii Ismiidaaminta iyo Weerarkii ka dameeyey ee ka dhacay Xarunta Madaxooyada aynaku dileen Madax iyo Saraakiil ka tirasan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom iyadoo Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan uu ka badbaadey Weerarkaas oo haatan la sheegey in uu ku sugan yahay Garoonka Diyaaradaha
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.