Home » Warar »

14 Qodobo oo laga soo saaray Shirweynihii Afka Soomaaliga laguna doortey Hogaanka AGASOM

Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho lagu gabogabeeyey shirweynihii afka Soomaaliga ee socdey mudada todobaadka ah ayaa waxaa la soo saaray war saxaafadeed ka kooban 14 qodob iyo 5 qodob oo arar ah.
Shirweynaha waxa uu aqoonsaday go’aanadii ka soo baxay shirweynihii 40 guuradii qorista afka Soomaaliga ee lagu qabtay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti bishii December 2012.
Waxaa looga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaatay dib usoo nooleynta qorista afka Soomaaliga iyo keenista fikirka ah in la dhiso akadeemiya goboleed samaysa cilmi-baaris la xiriirta horumarinta afka Soomaaliga.
Waxaa looga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa qabashada shirweynaha labaad ee Akadeemiyad goboleedka afka Soomaaliga iyo xarunta ay ugu deeqeen akadeemiyadda ee ay si wadajir ah u dhagax dhigeen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti 21 Feberaayo 2015.
Waxaa la Bogaadiyey aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee ku dadaalay in la ilaaliyo lana horumarinayo qorista iyo ku dhaqanka afka Soomaaliga sida Somali Pen.
\Waxaa loogu baaqay shucuubta ku hadla Afka Soomaaliga ee ku nool Geeska Afrika iyo daafaha dunida in ay ilaashadaan oo horumariyaan dhaqankoda iyo afkooda iyo diintooda
Hadaba shirweynaha waxa uu gaaray go’aanada soo socda

1-In si rasmi ah loo asaaso akadeemiya goboleedka Afka Soomaaliga (AGASOM) oo ay ku mideysanyihiin shucuubta iyo dawladaha ku hadla Afka Soomaaliga ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

2-In uu noqdo magaca rasmiga ah ee akadeemiyadda sidan : Akadeemiye goboleedka Afka Soomaaliga (AGASOM).

3-In xarunta dhexe ee akadeemiyadu tahay magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho

4-In AGASOM yeelato xeer ku qoran afka Soomaaliga oo kaliya oo ay ku dhaqmaan heerarkeeda kala duwan ee siyaasadda, maamulka iyo xeeldhaarayaasha afka.

5-In AGASOM yeelato calan iyo astaan ka kooban xarfaha Afka Soomaaliga oo si farshaxan ah heer sare laysugu darsaday

.6-In AGASOM yeelato maamul oo ay ku mideysanyihiin afarta dal oo ka kooban 7 xubnooda oo loo qeybsanayo 3/2/1/1 sida ay u kala horeeyaan dawladaha ku qoran qodobka koowaad : Soomaaliya 3 xubnood, Jabuuti 2 xubnood, Itoobiya 1 xubin, iyo Kenya oo xubin ah

7-Dawladaha waxa ay tixgalinayaan talooyinka ay bixiyaan xeeldheerayaasha afku, waxaya muddo sedex bilood gudahood ah golaha maamulka ugu soo gudbinayaan talooyinkooda ku aadan xeerka AGASOM ee ay soo gudbiyeen 24 bisha feberaayo 2015

.8-Golaha maamulka AGASOM waxaa hogaamin doona xoghayaha guud, waqtiga xilkooda waa labo sano oo loo cusbooneysiin karo hal mar oo kaliya. AGASOM waxa kale oo yeelan doontaa gole xeeldheerayaal Afka Soomaaliga oo xubnihiisa ay jaangoynayaan golaha maamulku , laakiin six or ah isaga dhex dooranayaan hogaankiisa

.9-Go’aanada Masiiriga ah iyo istaraatiijiyadda lagu horumarinayo afka Soomaaliga ee ay gaaraan golaha maamulka AGASOM waxaa loo gudbinayaa wasiiradda arimaha dhaqanka ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo hogaamiyeyaasha deegaanada looga hadlo afka Soomaaliga ee Itoobiya iyo Kenya si ay u ansixiyaan.

10-Dawladaha iyo hogaamiyeyaasha deegaanadda ku mideysan AGASOM waxay kulmayaan sanad kasta bisha Nofeembar si ay u qiimeeyaan waxqabadka Akadeemiyadda una asnixiyaan miisaaniyadda sanadka cusub.

11-Labada Madaxweyne ee dhagaxdhigey xarunta AGASOM waxay balanqaadeen in ay ku dedaalaan sidii loo dhisi lahaa xarintaas, waxayna ugu baaqeen dawladaha kale iyo ganacsatada shucuubta ku halda Afka Soomaaliga in ay ka qeybqaataan dhismaha Akadeemiyadda

12-Waddamada xubnaha ka ah AGASOM ayaa iska kaashanaya qaaraanka lagu socodsiinayo hawl maalmeedka AGASOM iyo cilmibaarista Afka Soomaaliga ee ay u xilsaaran tahay

13-In Shirweynaha AGASOM la qabto labadii sanaba hal mar 21-ka Janaayo, laguna qabto mid ka mid ah afarta dal ee ku mideysan.

14-Waxaa asaaska kadib la dhisey golaha maamulka AGASOM oo kala ah sida hoos ku xusan

1- Dr. Maxamed Daahir Afrax : Soomaaliya : Xoghayaha Guud

2- Dr. Cabdinaasir Axmed : Itoobiya : Xoghaye Ku Xigeen

3- Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil : Jabuuti : Xisaabiye

4- Maryan Cariif Qaasim : Soomaaliya, Xubin

5- Cabdirishiid Axmed Cumar : Kenya : Xubin

6- Axmed Maxamed Suleeymaan (Shiraac) : Soomaaliya : Xubin

7- Xaashi Cabdillaahi Qorax : Jabuuti : Xubin

image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.