Home » Warar »

Naadiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOWJOC) oo Tababar u soo Gabagabeeyey Gabdho Suxufiyiin ah.

Naadiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOWJOC) ayaa ku dhawaad 50 gabdho suxufiyiin ah ugu soo gabagaboobey Magaalada Muqdisho, kaasi oo kor loogu qaadayo tayaqada aqoontooda saxaafadeed.

Tababarka oo gabagabadii waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaliyeed (NUSOJ) iyo Saxaafiyyin hore , ayaa waxaa lagu baranayaa doorka gabdhaha suxufiyiinta ah uga aadan horumarka dalka iyo sare u qaaidda aqoontooda.
image
Guddoomiyaha Naadiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Nimco Xasan Cabdi oo ugu horeyn hadal ka jeedisay Gabgabadii siminaarka ayaa ka codsaday gabdhaha ka faa’iideystey Tababarka in ay aqoontooda u gudbiyaan kuwa kale ee aan fursadda u helin

Qaar ka mid ah gabdhaha suxufiyiinta ee nasiibka u helay tababarka ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay sare u qaadaan xirfadooda aqooneed, ayna bulshada u gudbin doonaan waxa ay ka faa’iideen.

Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistan oo gabagabadii tababarka ayaa tilmaamay in gabdhaha suxufiyiinta ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhanka saxaafadda, waxaana uu intaa ku daray in looga fadhiyo in ay aqoontooda uga faaiideystaan Xirfadooda Shaqo .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.