Mogadishu, February 24, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhaqan , dhaqaale iyo milatari .
Kulankan oo la isku dhaafsaday aragtiyo ku qotama xaaladda dalka iyo gobolka geeska Afrika , ayaa looga baaraan-degay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dowladood u dhaxeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa .
Fadhigani oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Xafiiska Wasiirka , ayaa lagu falan-qeeyay fulinta barnaamijyo horumarineed oo dalka wax ku ool u ah.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.facebook.com/mofa.somalia
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.