Home » Warar »

Hanaanka Federaalka oo la Dhaliiley

Ugaas Maxamed Wali “ In Hargeyso loo diido Dr Macow, Rag Ingiriis ahna lagu soo dhaweeye waxaa keeney Federaalka”

“ Cabdiweli Cali Gaas waxaa Xabsiyo kala duwan ku Xukumey Rag tagey Cadaado, isaga waxaa uu Xarun ka dhigtey Adis Ababa”

Iyadoo Soomaaliya ay kamid tahay Wadamada qaaday Hanaanka Federaalka ayaa Qaadashada iyo sida Dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaqanto Fedaraalka waxaa dhaliil ka keenay Qaar kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed Nuur oo ka mid ah Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hanaanka Federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay uu Dhib u keenay ummadda Soomaaliyeed,waxaana uu Xusay in Soomaali badan uu isku diray oo qaarkood ay isku dileen.

Ugaas Maxamed Weli oo u waramayey Idaacada Kulmiye ayaa Tilmaamay in Dadka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo xiligaan u bisil qaadashada Hanaanka Federaalka islamarkaana uu dhib u horseedi karo waxaana uu hadalkiisa ku bilaabey.

“Hanaanka Federaalka iyo Dastuurkaba waan diidanahay, Federaalka waxaan ku diidanahay , waxaana u arkaa mid Ummada Soomaaliyed kala qaybinayo oo u adeegayo Cadowga Asalka ee ay leedhaya Dalka Soomaaliya Qowmiyada kastaa waxay leedahay Cadow Asal ah , Faderaalka waxaa uu tirtirayaa ama na kala raacinayaa Cadowga asalka ee aan leenahay, waxaa aan uga soo horjeedo tusaale waxaa hadda iska garab dhisan Jubaland iyo Koonfur Gallbeed waxay hadhow isku qabsanayaan Xaduuda iyaga ayaa isku jeesanaya qolo Itoobiya ayey garab ka dhiganeysa, qolona Kenya” ayuu yiri Ugaas Maxamed Weli oo wax laga weydiyey arrimaha Federaalka waxaa uu sii raaciyey

“Haddii aan soo qaato Soomaliland iyo Puntland waxaa Xuduuda ay labadooda soo dhoobeen Ciidamo aad u fara badan iyaga ayaana is baabi’inaya oo la isku jeediyey, waana dadkii Soomaaliyeed ee Walaalaha ahaa tusaale kale hadii aan ku siiyo Sababaha aan ku diidanahay Federaalka , Hadii aad la socotey Sannadkii hore ee naga dhamaadey Dr Macow oo ah Dhaqtar Xarumo Caafimaad ku leh ayaa Soomaaliland ka soo Codsadey in uu yimaado si uu halkaas uga sameeyo Baaritaano caafimaad, waa laga ogolaadey markii uu labadii qof e,e ugu horeeyey baarey ayaa laga joojiyey waxaana loogu diidey in uusan u dhalan Deegaanka,” waxaa uu intaa ku darey Ugaas Maxamed weli

“Caksigeed haddii aad la socotey Todobaadyadii ina dhaafey Rag ingiriis ah ayaa yimid Soomaaliland si weyn baa la soo dhaweeyey, Waa loo Ciyaartumey waxaa la yaab leh Dhaqater Soomaali ah oo Manafacaad leh oo dad Xanuusan Daweynaya oo isaga wax ka helaya oo ummada Soomaalieed u shaqeynaya , oo Dalkiisii yimid baa loo diidey oo la yiri Deegaankaan uma dhalan iyo nin ingiriisa oo aydaan wadaagin dhalasho iyo Deegaan waa wax Federaalka uu dhaley “ waxaa uu sii raacieyey

“u soo dhaqaaq Dhinaca Pundland Madaxweynahooda Cabdiweli Cali gaas waxaa uu noqdey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya , sidoo kale waxaa uu soo qabatey Xilal Fara badan xitaa waxaa uu isku soo sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya , waa uu gooyey ,waxaana Saldhigiisu noqdey Magaalada Adis –Ababa, bil ka hor Maamulkii loo sameynayey Gobolada Dhexe , waxaa dhacay in dad ka yimid Magaalada Gaalkacyo oo gaarey Magaalada Cadaado, waxaa lagu xukumey Xabsiyo kala duwan , hadaba qof ka fiyow Qabyaalada , Nin jecleys, iyo Hunguri Jacayl in uu Miisaanka saaro arintaas, waxaa la yaab leh in Cabdiweli Cali gaas uu Xarun ka dhigtey Adis-Ababa, ninkii tagey Cadaado oo ah dhul Soomaaliyeed hadaba yaa Xukumaya ninka diidey Cadaado , Caasimadii Soomaaliya oo mar waliba ku sii jeeda Itoobiya in uu sidaa yeelo waa arrinta aan ku dhaliiley waxa la yiraahdo Federaalka “ waxaa uu sii raaciyey
image
“ Soo soco waxaa timaadaa Jubba Land Ninka Madaxweynaha ka ah ee Axmed Madoobe markii ay joogeen Maxaakiimta waxaa laga dhigey ninka Amiirka u ah Goboladaas ,markii haatan loo dhiibey waxaa lagu kari waayey in uu yimaado Magaalada Muqdisho , hase yeeshee in uu yimaado Muqdisho ku qasbey Dowlada Itoobiya isagana Caasimadiisa waa Nairobi midiisa labaadna waa Adis-Ababa marka waxaas oo dhan oo dhibaato ah waxaa weeye hanaanka Federaalka “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.