Home » Warar »

Arday Tababar Saxaafadeed Ka Dhammeysatay Machadka Somali Media Academy

Illaa 120 Saxafiyiin cusub ayaa tababar ugu soo gabagaboobey magaalada Muqdisho, iyaga oo ka aflaxay Machadka Somalia Media Academy oo ku xeeldheer tababarista iyo laylinta xirfadlayaal Saxaafadeed.

Xaflad lagu qabtay xarunta Machadka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka midyihiin xeeldheerayaal saxaafadeed, xildhibaano iyo barayaal jaamacadeed,ururada Shaqaalaha iyo Hey’adaha taageera saxaafadda.

Waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay Xildhibaan Axmed Aabbi, Jeneraal Maxamed Jaamac Qaalib, Prof. Yaxye Ibraahim, , Cabdirixiin Ciise Cadoow, Faadumo Cabdullaahi iyo marti sharaf kale.

Mihnadaha ay barteen waxaa ka mid ah ka shaqeynta raadiyaha sida:- wardoonka, dabagalka, anshaxa saxaafadda iyo xirfadda duubista codadka iyada oo la isticmaalayo Aaladaha casriga ah.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyey dhallinyarada loo tababaray iney xirfadaa ay ku shaqaystaan, waxayna ku baaqeen inaan tababarka kaliya lagu ekaanine dhallinyarada, sidoo kale shaqo abuuris loo sameeyo, sida ay qabto Faadumo Cabdullaahi oo ah madaxa barnaamijyada ee hey’adda taakuleynta warbaahinta ee Intermews.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo horey u soo ahaan jiray wasiirka arimaha gudaha, marna taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed xilligii dowladdii Maxamad Siyaad Barre, islamarkaasina ah qoraa Soomaaliyeed oo ka hadlay madashaa ayaa ku dheeraaday mustaqbalka Afka Soomaaliga iyo sida ay muhiimka ugu tahay in warbaahinta ay xoogga saarto illaalinta iyo kobcinta afka Hooyo.

Xildhibaan Axmed Aabi oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka ayaa isagu dhankiisa yiri “Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad ay ka soo kabanayso dagaaladii aafeeyay, taasina micnaheedu waxa ay tahay in aysan tiirar adag ku taagneyn, haddii tiirarkaasi la gilgilo waa ay dumeysaa, marka saxaafadda waxaan ka codsanayaa in markasta dhinaca wanaagga leh ay wax ka eegaan”.

Cabdirixiin Ciise Cadoow oo ah agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegey in ay muhiim tahay in saxaafadda madaxa bannaan ay fahmaan in dowladnimadu tahay wax dadka oo dhan ay wada leeyihiin, xitaa iyaguba ay qeyb ka leeyihiin, sidaasi darteed wixii wax yeelaya dowladda iney tahay wax dadka oo dhan wada gaaraya.

Xirfadlayaasha cusub ee warbaahinta ku soo biirey oo shucuur farxad iyo reynreyn leh ay ka muuqatay ayaa mid mid u soo istaagay masraxa, iyaga oo mas’uuliyiintii xafladda kasoo qeybgashay ka guddoomey shahaadooyinkoodii.

Machadka Somali Media ayaa ka mid ah xarumaha tirada yar ee dalka ka furan ee si barax tiran mihnadda saxaafadda ugu tababara warfidiyeeno cusub iyo kuwa shaqeeyaba.
image somalia
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.