Home » Warar »

Xildhibaan ka tirsan congresska USA oo Dowladda Mareykanka u soo jeediyey in ay ka laabato Go’aankii ay Xayiraada ku saartey Xawaladaha Soomaalida

Keith Ellison oo ah Xildhibaanka oo ah Xildhibaanka kaliya oo Muslim ah oo ku jira Kongareska Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, oo ka hadlayay Congess-ka Mareykanka ayaa u soo jeediyey Xukuumadda Mareykanka inay dib uga laabato go’aankii lagu xiray xawaaladaha Soomaalida Mareykanka , Xildhibaanka ayaa sheegey in Xayiraada lagu soo rogey Xawaalada Somaalida ay dhibaato ku tahay Shacabka Soomaaliyeed .
image

“ Dadka Soomaaliyeed waxay ka soo kabanayaan Dagaalaidii dheeraa sidaa darteed hadii la xiro Xawaalada Soomaalida waxay keeni karaan Dhibaatooyin hor leh oo mar kale dalka uu wajaho, Soomaali fara badan ayaa ku tiirsaneyd lacagaha laga diro dalka Mareykanka sida darteed waxaan ugu baaqayaa Dowladda Mareykanka in ay deg deg uga laabto Go’aankaas” ayuu yiri Xildhibaanka oo intaa raaciyey

“ Dadka Soomaalieed waxay Sannadkii ay diraan 215 Milyan oo Doolar halka Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya Sanaandkii Gargaar u siiso 200 oo Milyan taasoo uu sheegey in ay ka badan tahay mida Soomaalida ay ehelkooda iyo Qoysakooda u diraan marka waa Caqabad aad u weyn oo aan dowladda Mareykanka ka fiirsan “ ayuu yiri Xildhiban Keith Ellison

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan ka tirsan congresska USA oo Dowladda Mareykanka u soo jeediyey in ay ka laabato Go’aankii ay Xayiraada ku saartey Xawaladaha Soomaalida "

  1. waal ilaahay mahdii in uu wax ka yihi ninkaa muslinka ah
    waxaan raacinlahaa in ay soomali mar uu ogaato tacadiga intaa leeg ee lagu hayo kuwa tahriibaaya iyo kuwa qurba jooga sheegtaba