Home » Warar »

Dr. Abdisalam Omar Hadlie oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda kala wareegay Dr. Abdirahman Beileh.

Mogadishu, February 02, 2015 – Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdisalam Omar Hadlie ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo hayay xilkaasi muddo sanad ah .
Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaardda Arrimaha Dibadda ee Magaalada Muqdisho , kana qeybgaleen Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka H.E. Mohamed Omar Arte , Wasiiro , Xildhibaano , Hey’adda Hantidhowrka Qaranka , Safiirada , diblomaasiyiinta , saraakiisha amniga , shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo marti sharaf kale .
image
Hadal kooban oo uu madashaasi ka Jeediyay Siihayaha Xoghayaha joogtada ee Wasaardda Arrimaha Dibadda Yusuf Ali Mohamed ( Yusuf Afgooye) ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddu sanadkan ay u qorsheysan tahay fulinta mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa u mahadceliyay Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Mahad Mohamed Salad oo uu ku sheegay mas’uuliyiin ay si wacan uga wada shaqeeyeen danaha qaranka .image

Wasiirkii hore ayaa qabay fikir ah in howlgab laga dhigo qaar ka mid ah Safiirada , lana soo xiro qaar ka mid ah Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda .

Dhankiisa , Wasiirka cusub Dr. Abdisalam Omar Hadlie ayaa sheegay in uu ku shaqeyn doono cadaalad , kuna faraxsan yahay inuu shaqo la wadaago safiiro khibrad qoto dheer leh , albaabkiisuna uu yahay mid u furan u adeegidda danta qaranka .

Waxaa Xafladda soo xiray , Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mohamed Omar Arte oo xusay inuu aamisan yahay inaan la xirin Safaaradaha oo wanaagga iyo sumcadda ay ku jirto in la balaariyo , waxa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Wasaaradda Arrimaha Dibadda , waxa uu yiri “ Waxaa ii farxad ah inaan arko danjirayaal la soo shaqeeyay aabahey Omar Arte , waxaan halkaan joogi jiray anigoo yar “.

Kusimaha Ra’iiusl wasaaraha ayaa sheegay in dib looga fiirsan doono go’aano horey u soo baxay oo qeexayay in Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dibadda ku yaala la yareeyo , lana xiro qaarkood , isagoo muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay tahay muraayadda iyo halbowlaha qaranka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.