Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cumar oo shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee golaha Wasiirada Cusub.

Muqdisho, Februari 10, 2015—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulanka diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

“Waxaa alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar oo xusay in maalintiiba ay 5 wasaaradood xilka la wareegi doonaan si muddo todobaad ah loo soo afmeero xil wareejinta.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sidoo kale xusay in guddi uu madax u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, loo xil saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha qaranka.

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.