Home » Warar »

RW. Cumar oo cambaareeyey dilkii saaka loo gaystay xildhibaan Cabdullahi Qayad Bare

Muqdisho, 9 Feb, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare,

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo. Xildhibaanku wuxuu ahaa mid u taagan ka shaqaynta danta qaranka, waxaana dilkaan lala beegsaday isagoo ku guda jira waajibaadkiisa shaqo”ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kale sheegay in arxan darayaasha gaystay dilka Xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, loomana ogolaan karo kuwo ku sifoobay falalka argagaxiso iney hor istaagaan howlaha ay qaranka u hayaan xildhibaandu.

“Waxaan ku boorinayaa Xildhibaanada oo dhan in ay u muujiyaan naxariis iyo geesinimo maanta oo kale oo baroor diiq ah. Waxaan ku boogaadinayaa Xildhibaanda Baarlamaanka sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka madaniga ah” ayuu yiri RW Cumar.

–DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.