Home » Warar »

Warsaxaafadeed: shirka u dhaxeeya Dowladda iyo maamullada dalka

Bulshada Rayidka ee Gobolada Dhexe oo War-Saxaafadeed ka soo saarey Shirka u dhaxeeya Dowladda iyo qaar ka mid ah Maamulada Dalka ee ka socda Muqdisho.

Kulan ay qaban qaabadiisa lahaayeen Somali women Developments Center (SWDC) iyo Hayadda GSA ayna ka qayb galeen Bulshada Rayidka iyo haweenka ka soo jeeda Gobolada Dhexe islamarkaana lagu martiqaadey qaar ka mid ah Ugaasyada Soomaaliyeed ayaa waxaa looga Hadley Nabada , Dib u heshiisinta iyo Maamul u sameynta Goboladda Dhexe .
image
Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Sahro Maxamed Axmed Xarunta SWDC kala talisa Dhinaca Sharciga waxay sheegtey in Haweenka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ay ka gaabiyeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Nabada, Dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta Deegaanadooda sidoo kae waxay intaa ku dartey in Xarunta SWDC ay diyaar u tahay in ay Gacan ka geysto sidii haweenka ay door Muhiim ah ugu yeelan lahaayeen Maamul u sameynta iyo isu keenida Bulshada ku nool Gobolada Dhexe .
image
“ Bulshada ku nool Gobolada Dhexe waxay ka hareen Goboladii kale ha noqoto Adeegyadii Bulshada iyo Maamul u sameyntii “ sidaa waxa yiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) oo ka mid Guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo u soo jeedisey Bulshada ku nool Gobalada dhexe in ay gacmaha is qabsadeen oo ay dhIstaan Maamulkooda si ay ula mid noqdaan Gobolada kale ee iyagu sameystey Maamulkooda .

Xubnhii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Boqor Faarax Cabdi Guure iyo Ugaas Bashiir waxayna labadooda ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo Gobolada Dhexe hase yeeshee waxay kula dardaarmeen Haweenka Soomaliyeed in ay u guntadaan sidi Gobolada Dhexe loogu sameyn lahaa Maamul si Goboladdaas ay u gaaraan Horumar iyo Dib u heshiisiin dhab ah

ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas laga so saarey Warsaxaafadeed wuxuuna u qornaa sidatan

“Bulshada Rayadka ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe waxay walwal ka muujiyeen Shirka ka socda Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galayaan Qaar ka mid ah Maamulada ka jira Dalka ee looga arinsanayo xaaladda Siyaasadeed iyo mida Amni ee dalka ka jirta, waxaan aad uga xunahay in Go’aanka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee Shirka looga saarey Maamulka Galmudug oo hore uga qayb galey Shirarkii ka Dhacay Dalka iyo Dibaddiisab” warsaxaafadeedka waxa uu intaa ku darey

“waxaan uga baaqeynaa Beesha Caalamka iyo Hayadaha Daneeya arimaha Soomaaliya in ay si buuxda u ogaadaan dhibka imaan kara iyo Cidda Masuuliyeeda qaadi doonta , waxaan si gaar ah uga codsaneynaa Dowladaha sida gaar ah u taageera dardargelinta Nabada iyo Maamul u sameynta Gobolada Dhexe in Shirka noocan ah uu caqabad ku noqon kara Dadaalada socda waxayna ugu baaqeynaa dadka ku nool Gobolada Dhexe in ay isku tashadaan oo ay sameystaan Maamul loo dhan yahay .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.