Home » Warar »

Bandhigii labaad ee Ololaha Dhiirigalinta Akhriska iyo Qoraalka ee Naadiga HILLIN HAYAAN

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee HILLIN HAYAAN ayaa soo bandhigay bandhigii labaad ee ololaha dhiirigalinta akhriska iyo qoraalka ee ay ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho. Naadiga qoraalka iyo akhiska ee HILLIN-HAYAAN ku soo bandhigay labada buug ee WAAD GUULAYSAN KARTAA iyo AFKA HOOYO U HIILI, Dugsiga hoose , dhexe iyo Sare ee Al-Furqaan ee ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Naadiga oo ololahan la bilaabay sanadkan Cusub ayaa ujeedadiisu tahay in lagu dhiiri galiyo ardayda wax ka barata dugsiyada ka jira gobolka Banaadir , si loogu Booriyo in ay badiyaan akhriska iyo Qoraalka si loo helo dhalinyaro badan oo karti u leh wax curinta iyo akhriska

Ugu horeyn waxa kalmada furitaanka qaatay maamulaha dugsiga sakariye Maxamed Sheekh. Sakariye wuxuu ugu horeyn u mahadceliyey naadiga Hillin-Hayaan ee soo bandhigay labada buug. Intaa Kadib wuxuu ardayda dugsigiisa ku dhiirigaliyay in ay ka faa’idaystaan buugaagtan qiimaha badan, Sakariye wuxuu amaan iyo bogaadin u jeediyay qorayaasha labada buug oo ku sugnaa madasha bandhiga.

Kalmada Naadiga waxa qaadatay oo kana hadashey Sucaado Cabdilahi Maxamed oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Naadiga. Waxay sheegtey in Labada Buug ay Xambaarsan yihiin Faaiidooyin fara badan Intaa Kadib waxa hadalka la wareegay gudoomiyaha Qalinleyda Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya C/Naasir Yuusuf Macalin , wuxuu aad ugu amaanay Naadiga Ololaha uu wado, sidoo kale wuxuu ardaydii dugsiga ku ku adkeeyay in ay wax akhriska u badiyaan , si ay u noqdaan qorayaasha beri

Xoghayaha Naadiga Cabdikarim Garuun ayaa soo bandhigay buuga ay turjuntay qoraaga da’da yar Sucdi Daahir Diiriye “Qajafweyn”. Cabdikarim wuxuu ardaydii dugsiga u soo bandhigay ujeedada ay qoraagu u turjuntay buuga iyo faa’idooyinka laga dhexli karoyo. Guddoomiyaha Naadiga Cabdiqaadir Jubba ayaa isna soo bandhigay buuga labaad ee AFKA HOOYO U HIILI ee uu qoray Cabdilahi Maxamed Sheegow. Cabdiqaadir Jubba wuxuu isna si fiican u kala dhig dhigay faa’idooyinka uu xambaarsan yahay buugu, u hiilinta uu maanta afkeena hooyo inooga baahan yahay

Labada qoraa ee kala qoray buugaagta la soo bandhigay Sucdi Daahir iyo Cabdulaahi Sheegow oo iyaguna madasha ku sugnaa ayaa ka qayb qaatay wacyigalinta ololaha Akhirksa iyo Qoraalka ee Naadiga hogaanka u hayo. Sucdi oo hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa hadal kooban oo nuxur badan xambaarsanaa u jeedisay ardaydii dugsigii ALFURQAAN iyo dhalinyartii degmada bandhiga joogay. Sucdi waxay ardayda galisay yididiilo iyo dareen ah in wax la qoro, waxna la akhiryo, si ummada soomaaliyeed looga saaro dhigaal la’aanta haysta, loona badbaadiyo afkeeda iyo dhaqankeeda

Maxamed Cabdulaahi Sheegow oo isna wax ka taataabtay halgankii loo soo maray qorista Afka hooyo, dhibaatooyinkii ka dambeeyay ee afku la soo kulmay iyo baahida loo qabo in maanta la badbaadiyo ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday. Qoraaga wuxuu ka codsaday in afka hooyo la badbaadiyo loona hiiliyo

Suldaan Nayruus oo ah qoraa soomaliyeed ayaa dareenkiisa ku cabiray baahida loo qabo in wax la qoro,mihiimda iyo faa’iidooyinka akhrisku leeyahay. Sidoo kale qoraagu wuxuu ku amaanay qorayaasha labada buug iyo buugaagtooda oo la socdaa inay yihiin mahad ilaahay oo aan labadaa la isku helin inta badan

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah madaxda TV-ga Somsat ayaa ka sheekeeyay horumarka afku gaaray. Wuxuu ka sheekeeyay is badaladii ku dhacay af Soomaaliga iyo dhibaatooyinkii soo gaaray. wuxuu carabaabay in dhawaaan madaxweynahu ku dhawaaqay in xafiisyada dawlada lagu shaqeeyo afka soomaliga, aad ayuu u soo dhaweeyay arinkaa. Ugu dambeyntii rayo fiican ayuu ka muujiyay in afka iyo dhaqankuba soo noolaan doono

Ololahaan lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo akhriska ayaa socon doono muddo afar bilood ah iyadoo la mari doono inta badan Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo magaalada Muqdisho,marka uu dhamaado Ololahani ayaa waxaa la soo saari doonaa Qoraal ka hadlaya faa’idooyinka laga gaaray
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.