Home » Faallo »

Daryeel Hooyo iyo Dayac Aabo

Cabdiraxman Maxammed Cabdulle

Qore: Xiddig@gmail.com

image“Macalinow, waxaan ku sameeyo waan garan la’ahay gabadhan,” ayeey tiri Fartuun. “Si walba waan ula hadlay. Oo waan u waaniyey. Oo wax waan ugu sheegey. Waxaan ku iri haddii aad iskuulka aadaab fiican ku yeelato oo aad buundo fiican ku keento oo aysan macalimiintu ka soo dacwoon wax walba ayaan kuu samaynayaa.”

Fartuun waa hooyo Soomaaliyeed. Waxaa looga yeerey iskuulka gabadheeda Safiya ay dhigato, si loola socotsiiyo dacwo macalimiintu ay ka soo gudbiyeen Safiya.

“Dhibka ugu weyn oo ay qabto Safiya waa hadal badni iyo muran badni,” ayuu yiri macalin Jaamac isaga oo istaagsan fasalkiisa hortiisa oo sugaya ardayda in ay u soo galaan maadadii xisaabta oo uu dhigayey. “Waa labo dhib oo ardayga hoos u dhiga waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa. Safiya aamus lugama karo. Waxay rabtaa qof u dhow iyo qof ka dheerba in ay la sheekeysato. Markii aad ku tiraahdid meel gooni ah fadhiiso wey kula murmaysaa. Meeshii aad hal daqiiqo kala hadli laheyd, waxay kugu qaadanaysaa toban daqiiqo in aad la hadashid,” ayuuna ku darey.

Hooyo Fartuun iyada oo u sii waramaysa macalin Jaamac ayaa waxa ay tiri, “macalin, sheekada badan iyo muranka badan waa dabeecad ay leedahay Safiyo. Si aan uga gooyo ma aqaani. Maalin walba waxaan kala hadlaa in aysan dadka ka waaweyn ku soo af-celin.”

“Haba hadal badnaatee, haddii ay xattaa waxbarashadeeda ka adkaan laheyd wax dhan bey ahaan laheyd. Oo carruurta qaar iyaga oo hadal badan, ayeey haddana waxbarshadooda ka adagyihiin,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Safiya se casharada guriga loogu dirana kama soo shaqeyso kuwa fasalka dhexdiisa lugu siiyana kama shaqeyso. Fasalka waxay ku haysataa buundo aad u hooseysa.”

“Macalinow wallaahi wey i wareerisey gabadhan. Oo madaxa ayeey iga cuntay. Waxaan ku sameeyo ma aqaani,” ayeey tiri Fartuun. Waxaana ka muuqdey wejigeeda ciil iyo caloolyow markii ay dhahaysey ereyadan. “Waxaan u sheegaa maalinwalba in ay carruurta ugu weyntahay oo iyada looga baahanyahay in lugu daydo. Waa afar iyo toban jir. Annigu intaa markii aan la ekaa reerka oo dhan baan daryeeli jirey. Oo u shaqayn jirey. Oo u adeegi jirey. Hooyadey, Aabahey iyo dhamaanba walaalahey oo dhan aniga ayeey igu tiirsanaayeen,” ayeeyna si murugo ay ku jirto u sii raacisey.

Macalin Jaamac mudo dhowr iyo toban sano ah ayuu iskuulka dhigayey oo macalin ahaa. Waa nin wax badan u soo joogey, oo wax badan og. Waxa uu eegey hooyo Fartuun, ka dibna waxa uu yiri, “carruurta intaan marka ay la egyihiin wadankanna ay joogaan, badanaa hooyo keliya waxba kama qaban karto. Oo wey isku taagtaagaan. Odeyga haddii uu noolyahay ama walaal ka weyn uu jiro waxaa fiicnaan laheyd in aad u sheegto.”

Intaas markii uu yiri macalin Jaamac ayaa Fartuun indhaheedii halmar casaadeen. Ka dibna waxaa ku soo joogsadey ilmo. Isla markiibana wey oysey.

“Wax kale lama ooyayo,” ayeey tiri Fartuun iyada oo ilmada iska titireysa. “Waxaan la ooyayaa , caruurtan aniga ayaa hooyo iyo aabo u ah. Aabahood ma dhiman ee waa uu noolyahay, balse si walba wax ugu sheegey, lagama yaabo dan ay leeyihiin carruurtaas in uu u soo dhameeyo. Haddii ay noqoto dugsiga, anigaa geeya. Oo macalimiintooda la soo hadla. Haddii ay noqoto cisbitaalka anigaa geeya. Oo dhaqaatiirtooda la soo hadla, daawooyinkoodana u soo qaada. Haddii ay noqoto waxbarashada iskuulkooda, anigaa daba orda. Oo marwalba ka war haya. Haddii ay noqoto wakhti in la siiyo carruurta, aniga unbaa siiya. Aabahood waa la noolyahay, lamana arko. Subixii ayuu u soo shaqeeyaa, inta kale wakhtigiisana waxaa qaba sheeko iyo shirar iyo fadhi ku dirir. Maalinwalba waxa uu ku leeyahay odayaal baan la shirayaa. Rag ayaan la shirayaa. Dad muhiim ah ayaan la shirayaa. Oo tollow, yaa carruurtiisa ka muhiimsan?”

“Aad iyo aad ayeey muhiim u tahay,” ayuu yiri macalin Jaamac, “in carruurta wakhti la siiyo. Oo guushooda waxbarasho ayaa ku xiran. Haddii aadan carruurtaada wakhti aadan siinin, cid kale ayaa wakhti siin doonta. Carruur walbana wakhtiga ay ka helaan waalidkooda ayeey kaga hormaraan carruurta kale.”

Intaas markii uu yiri macalin Jaamac ayaa waxaa dhacey gambaleelkii, ka dibna waxa u soo galey ardaydii.

“Waayahay, waan iska war haynaynaa,” ayuu ku yiri macalin Jaamac hooyo Fartuun, “ardaydiibaa ii soo gashaye.”

Macalin Jaamac markii ugu horeysey oo uu hooyo sidan oo kale u murugeysan oo u mashaqaysan uu kula kulmo iskuulka ma aheyn.

Macalin Jaamac waxa uu hadda ka hor la kulmey hooyo shan carruur ah leh oo iskuulka oo dhan carruurteeda laga joogi waayey dhibkooda. Carruurtaas Iskuulkii ayeey waxay ku noqdeen laf-dhuun gashey. Macalin aan ka caban carruurtaas ma jirin. Saddexdii sano oo hooyadaas carruurteeda ay dhiganayeen iskuulkaas ma uusan arkin macalinka carruurtaas aabahood.

Hooyadaas maalin ayaa inta ay is-heyn weydey waxay ku tiri macalin Jaamac, “carruurtan aabahood waxaan ku kala tagney siyaasad. Waxa uu ka doortey gurigiisa iyo carruurtiisa in uu wakhti geliyo siyaasad in uu wakhti geliyo. Kelligey ayaa ku rafaadey carruurtan. Ma banaankaan uga soo shaqeeyaa? Ma waxbarashadoodaan daba ordaa? Ma iyagaan daba ordaa? Ma gurigaan uga shaqeeyaa? Anigu intee qof baan isku qeebiyaa ?”

Macalin Jaamac si fiican buu u xusuustaa hadaladan markii ay ku hadlaysey hooyadan sababta oo ah korkeeda waxa ka muuqdey rafaad ragaadiyey. Daal badan iyo dayac badanna waa laga dheehan karayey wejigeeda iyo wejiyada carruurteedaba. Xafiiska iskuulka ayeey fadhidey. Oo waxaa loogu yeerey dacwo laga qabo carruurteeda.

“Carruurtaada ma heyn karno Nadiifooy,” ayuu ku yiri maamulihii iskuulka Nadiifo inta warqadii ceyrinta u soo baxshey. “Macalimiin iyo arday cid walba waxay ka dacwoonaysaa carruurtaada. Waxaaba kaaga daran alaabtii iskuulka xattaa wey jajabiyeen.”

“Meel kale oo aan geeyo carruurteyda ma aqaani,” ayeey tiri hooyo Nadiifo iyada oo walbahaarsan. “Fadlan, asxaan ii sameeya. Oo ii dulqaata. Iskuul walba waa la iga soo ceeriyey, iskuulkiina ayaa iigu fiicnaa iskuulada. Fadlan, jaaniskii ugu dambeeyey I siiya.”

“Inta aan digniin siin karno carruurtaada waan siinney,” ayuu yiri maamulihii iskuulka. “Adiguna intaas waan kula socod siineyney. Wax is-badal ahna maanan arkin ee waxaan kaa rabaa warqaddan in aad ii saxiixdo.”

Hooyo Nadiifo iyada oo ciilka iyo carada ka buuxo wejigeeda aadan maleen karin ayeey inta saxiixdey warqadii ka soo baxdey xafiiska iskuulka.

Maalintii uu la hadlaayey macalin Jaamac hooyo Nadiifo maalintii ku xigtey iskuulka waxaa ka jirey kulanka macalimiinta iyo waalidka. Arday walba xaaladiisa waxbarasho ayaa looga waramayey waalidkiisa. Dabadeedna waxaa laga hadlayey sida ay waalidka iyo macalimiinta wax iskula qaban karaan. Oo ay iskula shaqayn karaan. Si ay waxbarashada carruurtooda kor ugu soo qaadaan.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee kulankii macalimiinta iyo waalidiinta yimaadey aad bey u yaraayeen. Haddana, intuba waxay u badnaayeen hooyooyin. Aabayaasha yimaadey waxay ahaayeen fara-ku-tiris.

“Macalin iiga waran ninkii Zakariye ahaa,” ayeey tiri hooyo Xaliimo oo aheyd waalidkii ugu horeysey oo u yimaada macalin Jaamac.

“Soo dhawoow maama Xaliimo, kursiga miiska hortiisa ah ku fadhiiso” ayuu yiri macalin Jaamac. “Zakariye waa nin maskax fiican. Waxbarashadiisuna waa iska caadi. Balse, hal dhib oo weyn ayaa jira!”

“Oo dhibkaasna muxuu ahaa macalin?” ayeey tiri hooyo Xaliimo.

“Dhibkaas waa xaga aadaabta,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Zakariye maalin walba dagaal joogta ah ayuu ku jiraa. Mararka qaar wuu caytamayaa, haddana cay aadan maleysan karin ayaa afkiisa ka soo baxaysa. Mararka qaar baan waxaan is-iraahdaa hooyo iyo aabo wadaado ah ayaaba dhalaye, xagee ayuu ka bartay cayda iyo af-xumada?”

“Macalin dhibka jira aan kuu sheego,” ayeey tiri hooy Xaliimo inta ciishootey. “Marka koowaad, Zakariye aniga waxba igama maqlo. Oo waa nin iga weynaadey hadda. Marka labaad, Zakariye iyo aabihiis is ma arkaan. Odeygu subixii ayuu shaqeeyaa. Galabtiina Masaajidka ayuu cashar ka akhriyaa. Sabtida iyo axaddana subixii sida uu u jarmaado buu habeenkii yimaadaa. Intaas dad kale ayuu wax barayaa, wiilkiisii u weynaana wax uu ka barto ma lahan. Zakariye hadda waa shan iyo toban jir. Waxa uu marayaa wakhtigii ugu xumaa. Waxa uu u baahanyahay in la dabo socdo. Oo wax la baro. Oo lala saaxiibo. Tan kale, anigu ma isagaan wakhti geliyaa. Ma kuwa ka yar-yar baan wakhti geliyaa. Wallaahi waan yaabsanahay, waxaan sameeyana ma aqaani.”

“Aadaabtu waa muhiim,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Qofku haddii uusan akhlaaq laheyn, waxbarashadiisu waxba tari meyso. Zakariye waa in la ogaado cidda uu saaxiibka la yahay oo uu la socdo. Zakariye haddii aan hadda gacan bir ah lugu qaban halis ayuu ku jiraa. Saan-saantiisa saan-saan fiican ma aha.”

Hooyo Xaliimo iyada oo ka welwelsan warkii uu macalinka u sheegey ayeey ka soo baxdey iskuulkii. Waxay go’aansatey in ay Zakariye kala tagto qurbaha. Oo ay Soomaaliya geyso maadaama iyada kelligeed uu culeyskii carruurta saarmey.

Macalin Jaamac maadaama wax badan iskuulka uu dhigayey waxa uu ogyahay dhibka hooyo Fartuun, hooyo Nadiifo iyo hooyo Xaliimo haysta dhib iyaga si gooni ah u haysta in uusan ahayn. Balse waa dhib badanaaba hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay la wadaageen.

Macalin Jaamac ayaa intaas ka dib is-weydiiyey su’aal da’ weyn oo maskaxda ka daalisey isaga. Haddii aabaha Soomaaliga ah uusan carruurtiisa wakhti gelin, maxaa laga filan karaa carruurtaas mustaqbalkooda?

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.