Home » Warar »

War deg deg ah : Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Waqti Dheeri ah siiyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Cumar Cabdirashiid ayaa baarlamaanka sidaas ka dalbaday….

Baarlamaanka Dowlada Federaalka oo maanta kulan ka yaasheey sidii Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumda Cumar Cabdirashiid taasoo ka kooban laabatan Wasiir hase yeeshee markii uu uu furmey Kalfadhiga ayaa Raiisul Wasaaraha Xukumada Federaalka uu ka dalbadey Baarlamaanka in la siiyo Waqti dheeri ah si uu ku soo dhameystiro Xukuumadiisa.

Waxa uu codsaday in loo kordhiyo 10 cisho.

Golaha wasiirada ayaa laga dhigayaa 25 wasiir halkii uu markii hore soo magacaabay 20 wasiir.

Codsigaa ayaa keeney in Buuq uu hareeyey Kalfadhiga hase yeeshee Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa fasaxay Raiisul wasaaraha waxaana markiiba Kulan albaabadu u xiran yihiin yeeshey Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana laga doodey Codsigii Raiisul Wasaaraha dood dheer ka dib ayaa Xildhibaanada ay cod u qaadeen kaasoo ahaa Cod gacan taag ah waxaa ogolaatey 139 Xildhibaan in Raiisul wasaaraha la siiyo 10 Cisho waxaa diidey 47 Xildhibaan waxaa ka aamusey 4 Mudane.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska raiisul wasaaraha hoos ka akhri..

image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

……..

RW. Cumar: “ Codsiga 10 maalmood wuxuu ahaa mid ka turjumaya tixgalinta talooyinka Baarlamaanka iyo dhamaystirka Xukuumadda”

Muqdisho, 31 January, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha Shacabka J.F.S in ay ka aqbaleen codsigiisii ahaa in 10 maalmood loogu daro waqtiga, si loo soo dhameystiro dhismaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay in uu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kalana uu usoo bandhigi doono Golaha Shacabka Barnaamijkii Xukuumadda oo kooban marka la horkeeno Baarlamanka.

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo intaas raaciyay.

“Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay in soo dhameystiro xubnaha ka dhimman Xukuumadda, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda, iyadoo uu balan qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tixgalinayo.

—DHAMMAAD—–

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.