Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shirweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA ,waxaana uu shirkaaasi ka dhacay Hotelka Makka Al Mukarama ka soo socdey muddo Seddex maamlmood ah 26ka, 27ka, iyo 28 /01/2015.
Shirweynahaasi oo labadii sano mar la qabto, waxaa ka soo qayb galey xubnaha Dalladda oo ka kooban 60 Dalladood , iyo ka badan 40 goob joogayaal oo shirka lagu casuumey, ujeedada shirka oo ahaa sidii loo dooran lahaa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Dalladda iyo Gudiga Agaasinka oo ka kooban 17 xubnood 00 7-da ka mid ah ay yihiin dumar iyo 10 Xubnood oo rag ah.
Waxaa ka soo qayb galayaasha loo qaybiyey dukumentiyo ka hadlaya wax qabadkii Dallada SOSCENSA ,sida nidaamka iyo habraaca maamulka oo ka koobnaa 25 warqadood, xeerka Dalladda SOSCENSA oo ka koobnaa 35 warqadood, iyo shirweynihii afaraad ee Golaha Guud warbixinta waxqabadka Dallada SOSCENSA ee Sanooyinkii 2013-2014 oo ka koobnaa 14 Warqadood , Qaybta Xisaabaadka ooo qoran oo ka koobnaa 20 warqadood iyo 100 Buug bahda Wargeyska SOSCENSA soo diyaariyeen .
Shirkaasi waxaa ka hadley Md. C/laahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA oo ka soo qayb galayaashii warbixin ka siiyey waxqabadkii labadii sano ee tagtey, waxaana markiiba bilowdey doodii shirka gaar ahaan wax qabadka Dallada talooyin ka soo jeediyey xubnaha lixdanka Dalladood kuwaasi waxna ku darey waxna ka dhimey warbixintii la soo jeediyey.
Gudoomiye Shirwac waxaa mar kale halkaasi ka jeediyey Xeerka iyo Sharuudaha ka mid noqoshada qodobo cusub taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Golaha Guud ee Dalladda SOSCENSA iyadoo halkaasi lagu magacaabey Laba Guddoomiye oo kala ah Gudiga dib u eegista iyo isku soo duwida Xeerka Dallada iyo Guddiga Dib u eegista Xeer Hoosaad Nidaamka iyo hab raaca Maamulka iyo Shaqaalaha.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.