Home » Warar »

Shiweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA oo Ka furmey Magaaladda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shirweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA ,waxaana uu shirkaaasi ka dhacay Hotelka Makka Al Mukarama  ka soo socdey muddo Seddex maamlmood ah 26ka, 27ka, iyo 28 /01/2015.

Shirweynahaasi oo labadii sano mar  la qabto, waxaa ka soo qayb galey xubnaha  Dalladda oo ka kooban 60 Dalladood , iyo ka badan 40 goob joogayaal oo shirka lagu casuumey, ujeedada shirka oo ahaa sidii loo dooran lahaa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Dalladda iyo Gudiga Agaasinka oo ka kooban 17 xubnood 00 7-da ka mid ah ay yihiin dumar iyo  10 Xubnood oo rag ah.

Waxaa ka soo qayb galayaasha loo qaybiyey dukumentiyo ka hadlaya wax qabadkii Dallada SOSCENSA ,sida nidaamka iyo habraaca maamulka oo ka koobnaa 25  warqadood, xeerka Dalladda SOSCENSA oo ka koobnaa 35 warqadood, iyo shirweynihii afaraad ee Golaha Guud warbixinta waxqabadka Dallada SOSCENSA  ee Sanooyinkii 2013-2014 oo ka koobnaa 14 Warqadood , Qaybta Xisaabaadka  ooo qoran  oo ka koobnaa 20 warqadood iyo 100 Buug bahda Wargeyska SOSCENSA soo diyaariyeen .

Shirkaasi waxaa ka hadley Md. C/laahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA oo ka soo qayb galayaashii warbixin ka siiyey waxqabadkii labadii sano ee tagtey, waxaana markiiba bilowdey doodii shirka gaar ahaan wax qabadka Dallada talooyin ka soo jeediyey xubnaha lixdanka Dalladood kuwaasi waxna ku darey waxna ka dhimey warbixintii la soo jeediyey.somali191

Gudoomiye Shirwac waxaa mar kale halkaasi ka jeediyey Xeerka iyo Sharuudaha ka mid noqoshada qodobo cusub taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Golaha Guud ee Dalladda SOSCENSA iyadoo halkaasi lagu magacaabey Laba Guddoomiye  oo kala ah Gudiga dib u eegista iyo isku soo duwida Xeerka Dallada iyo Guddiga Dib u eegista Xeer Hoosaad Nidaamka iyo hab raaca Maamulka iyo Shaqaalaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.