Home » Warar »

Daawo Baraf iyo Dabaylo Xoogan ayaa ku dhufatay Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka Video

Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay ka dib Baraf iyo Dabaylo Qabow wata uu ka dhuftay 9 Gobol oo ka tirsan Waqooyi Beri ee Ameerica.

https://youtube.com/watch?v=eUC0NbkGMF4

Barafkani ayaa la sheegay in uu yahay mid taariikhi ah iyadoo Saxaafada Maraykanka si weyn u hadal heyso waxaana gebi ahaan la joojiyey isu socodka Gaadiidka iyo Duulimaadyada Sidoo kale Waxaa la xeray iskuulada waxaana la fasaxay dhamaan Shaqaalaha, Dadka ayaa lagu amray in ay guryahooda joogaan.

in ka badan 30 milyan oo qof ayaa xaaladani lagu soo rogay kuwaasi oo guryahooda jooga, cabsida ugu weyn oo ay dadka qabaan ayaa ah in ay tagto Korontada iyo biyaha Waxaana heegan la geliyey gawaarida deg dega ah iyo booliska kuwaasi oo la tacaali doona dhibaatada laga cabsi qabo.image

Hey’ada la socodka cimilada ee dalkan Mareykanka ayaa sheegtey in duufaantan barafka wadata ee loo yaqaano Nor’Easter ay keeni doonto baraf aad u badan, duufaan, dabeylo iyo fatahaad dhanka biyaha ah waxana Barafka cabirkiisa lagu sheegay 25 ilaa 30 inch dhulkana ka sari mari doona ilaa 90 Centimeter.

in ka badan 5000 oo duulimaad ayaa la baajiyey, Howlaha garoomadan ayaanan la fileyn in ay dib usoo noqdaan ilaa iyo goor danbe oo todobaadkan ah.

Goobahani ay mashaqada ka jirto ayaa waxaa ka mid ah New Yor, Boston, New Jersey, Springfeild, Hartford, Maine, New Hampshire, Mancherter, iyo Worster waxana meelahaasi aan soo sheegnay degan qaar ka mid ah Soomaalida Maraykanka Waxaana ka mid ah Maxamed Cali Jaamici waxana wax ka weydiinay sida ay u samaysay Soomaalida.

“Aad ayey noo saamaysay Arintani waxaa hada ka joognay shaqadeena, cabsida ugu weyn ay ah in ay korontada ama biyaha ay tagaan waxana nagula qasbay in aan guryaha joogno oo aanan la kaxaynin gawaarida.”

in ka badan 50 milyan oo doolar ayaa loo qorsheeyey dib u soo celinta magaalooyinka iyo xaaqitaanka barafka dowlada ayaana xil weyn iska saartay una diyaar garowday, dadka ayana laga wacyi gelinayaa Warbaahinta la iska arko wixii warar ah ee soo kordha waxaa kala socon doontaan Wararkeena danbe

Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Boston, USA.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.