Home » Faallo »

Rajab Dayib Ordogan Waa Nin Cayn Kee ah?

Waxa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo Wafdi aad u balaaran , waxaana Booqashaada lagu tilmaamey midii ugu balaarneyd ee Muddo labaatan sanno Ruux Darajadaas leh uu ku yimaado Magaalada Muqdisho, waxayna Booqashadaan lagu micneeyey Mid Ordegon uu ku doonayo in in uu ku sii Dardargeliyo Gacan siinta Ummadda Soomaliyeed

Rajab Dayib Ordogan haddii aan Dib u Milcsano Taarikhdiisa waxaa uu dhashey 26 Feberaayo Sanadkii 1954 tii wuxuu ku dhashey Magaalada Istanbul, Yaraantisii waxaa uu ku soo barbaarey Qoys Diinta aad u yaqaan walow ay noloshoodu ahayd mid aad u adag taasina waxay keentey Ordogan in gelina uu wax Barto Gelina uu Suuqa ku iibiyo Qarre ama Xabxab.

Wuxuu noloshaa adag ku soo jiro waxaa uuy dhameystey Dugsigiisii Sare kadib waxaa uu heley jamaacad isagoo Bartey Culuunta Dhaqaalaha , wixii waqtigaa ka dambeeyey waxaa uu noqdey nin firfircoon oo siyaasada Misaan ku leh waxay sameeyeen isaga Saaxiibadii dhowr Xisbi ka dibna Burburey , wuxuu rafto Waxaa uu ka mid noqdey Xubnaha ugu muhiimsan Xisbiga uu haatan ka tirsan yahay ee Cadaalada iyo Horumarinta.

Intii uu Xisbigaa ka tirsnaa waxaa loo doortey in noqdo Duqa Magaalada Istanbul oo intii uu hayey Xilkaa wax weyn ka bedeley Caasimada Stanbuul ha noqoto dhinaca Nadaafada,Waxbarashada , Biyaha iyo Korontada , waxaa kaloo lagu xasuustaa markii shaqooyin u abuurey Haweenka ka ganacsada Jirkooda oo Wadankaas ay Caadi ka ahayd maadaama Ciidamada dalkaas ee Xooga ku leh ay yihiin kuwo ogol in Haweenka ganacsadaan Jirkooda kuwaas oo ay u sameeyeen Xarumo Caafimaad oo lagu baaro Haweenkaas iyo Shatiyo ay ku Ganacsdaan hase yeeshee dadka Siyaasadda Odorasa waxay leeyihiin Odogon haddii uu dhihi lahaa waxaan Diinta ma ogola waxaa uu Cadaadis kaga imaan lahaa Ciidamada balse waxaa uu u keeney in Barnaamij ah in Haweenka uu ka dhaadhiciyo in uu u hayo Shaqooyin ka wanaagsan mida ay haatan ku jiraan.

Markii uu noqdey Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta waxaa uu saddex jeer ku guuleystay in Wadankaas uu ka noqdo Raiisul Wasaaraha waxaa uu isbedel uu ku sameeyey Dhaqaalihi Wadankaas oo uu kor u qaadey Boqolkii 11 Toban,wuxuuna yeeshey Taageero Badan , Ordegan waxaa uu sumacad ku dhex leeyahay wadamada Yurub,Aasiya , Carabta iyo Afrika , waxaa uu u ololeeyaa sidii Falastiiniyiinta ay u yeelan lahaayeen Dowlad u gaar , waana mid keentey in dhowr jeer uu Cambaareeyo falalka Guracan oo ay Israaiil kula kacayso Falastiiniyiinta , sidoo kale waxaa lagu xasuustaa sida uu isu garab taagey dadka ku Go’doonsan Marinka Gazza oo dhowr jeer uu u geeyey Daawooyin iyo Raashin kala duwan.

Sannakii hore ayuu waxaa uu noqdey ama loo doortey Madaxweynaha Turkiga taasina waxay yadiilo gelisey in Ordogan uu siii balaariyo Xiriirka uu la leeyahay Wadamo badan oo Afrka ugu horeyso waxaana la sheegey in uu ka hormari doono Wadanka Faransiis oo 34 Safaaradood ku leh Wadamad Afrikka halka wadan Turkiga uu ku leeyahay 28 Safaardood , waxana la filayaa in sanadaha soo socda uu meel sare ka gaari doono Xiriirka Qaaradda Afrika waliba sidoo kale Xowli ku dhaafi doono dalka Shiinaha oo galaagal Xoog leh ku leh Qaarada afrika
image
Hadaba Booqashada uu ku yimid Soomaaliya waa mid wax weyn ka badeleysa Xaaladda dalka Soomaaliya weliba waxaa Candhuuftooda dib u Liqaya Hayadaha maalin weliba Hadalada Guracan ee ka soo yeeraya sida Qaramada Midoobey oo Soomaaliya u bixiy Zoonka Shanaad taasoo keentay in Dhaqaalhii Soomaaliya loogu talagaley in lagu quudiyo wadamada Deriska la ah Soomaaliya ka dib markii ay sheegeen in Soomaaliya ay tahay meel Qatar ah sidaa darteed maanta maxay ku marmarsiyoon doonaan Hayadahaas Xafiisyadooda ka dhigtey Nairobi iyo meelo kale maadaama Muqdishadii ay ugu yeeri jireen Bahalo Galeen uu yimid nin Miisan ku leh Beesha Caalamka waa Ordegan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.