Home » Warar »

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan .

Muqdisho, January 22, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran guud siiyey xubnaha golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in laga hortagay weeraro ay kooxaha nabadda diidan doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga qaranka, gaar ahaan gobollada Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.image

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Goluhu uu ka hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga oo maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku iman doono Soomaaliya, iyadoo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameyn doono dalka inta uu joogo, isla markaana uu xariga ka jari doono mashaariic muhiim ah oo kamid yahay dhismaha qeybo kamid Garoonka Aaden Cadde.

“Dalka waxaa maalinta berri ah soo gaari doono Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, waxana mudada uu joogo xariga uu ka jari doonaa mashaariic uu kamid yahay garoonka Muqdisho, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u saaray guddi wasiirro ah oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiga, Madaxweyne Erdoğan inta uu dalka joogo waxaa dhici doono heshiisyo dhowr ah oo dowladdu la geli doono dalka Turkiga” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Golaha Wasiirrada ee xilalka sii-haya dadaalkii iyo shaqooyinkii faraha badnaa ee ay soo qabteen mudadii ay xilka hayeen, wuxuna faray in loo baahan yahay xiligan in ay qeyb ka qaataan sidii dalku horey ugu sii socon lahaa, loogana gudbi lahaa aragtiyada kala duwan ee sababaya dib u dhaca dalka.

Halkan kala dag cod

—DHAMMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.