Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Januari 22, 2015….Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday maanta Hotel SYL, wuxuna tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay, isagoo alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo.
image
“Waxaan canbaaraynayaa weerarkan waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waa dhaqankii lagu yaqaanay nabad-diidka waqtigiisu dhamaaday ee muddo dhibataynayey dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar waxana uu raaciyey.

“Weerarkan waxaa lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaarowga soo dhaweynta Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga , sidaa awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, weerarada noocan ah marnaba qaranka Soomaaliyeed ka kama leexinayaan waddada horumarka iyo dawladnimada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

—DHAMMAAD—–
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.