Home » Warar »

R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho, January 19, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka, ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada, la dagaalanka Burcad-badeedka. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageeri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, danjire Mohamed Al-Cutmani ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo isbada joog ah la qaadanayay qaar kamid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, sida Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Sweden, Wakiillka QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Midowga Africa.

—DHAMMAAD–
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.