Home » Faallo »

Maraykanka oo Maanta oo kale laga xasuusto Hogaamiyihii Xaquuqda Madaniga ah Martin Luther King.

Martin Luther King Wuxuu ahaa hogaamihii isu taagay u dagaalanka xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka si aanan rabshad lahayd, isagoo taariikhda ku galay khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee magaceedu ahayd “Waxaan ku riyoodaa”
Marting Luther King waxa uu dhashay 15 kii Janaayo 1929-dii, wuxuuna siyaasadda iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda madoowga galay isaga oo dhawr iyo labaatan jir ah

Waxaa aad loo xusuustaa isu soo bixii ka dhacay magaalada Washington 28dii Agoosto, 1963-dii, kaasi oo ay ka qeybgaleen rubuc malyuun qof oo jinsiyad kasta leh, kuwaasi oo xitaa barxadihii waaweynaa ay deeqi waysay.

King ayaa ka jeediyey khudbaddii caan baxday ee magaceedu ahaa “Waxaan ku riyoodaa” taasi oo socotay muddo 17 daqiiqo ah, kagana hadlayay rajadiisa ah Amerika oo dadka oo dhan ay wada simanyihiin, isku xuquuq yihiin, iyada oo aanan loo eegin kala duwanaanshaha midabka.

October 14, 1964 ayaa King waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabadda adduunka ee Nopel Peace Price.

King waxa uu bartay diinta kiristaanka, isaga oo noqdey nin baadari ah oo ka wacdiya kaniisadaha dadka, balse waxa uu wacdigiisa u badnaa mid guubaabiya dadka madoow in xuquuqdooda ay dhacsadaan, lagana joojiyo dhibaatadii lagu hayay ee xagga midabtakoorka iyo faquuqa. image

sanaddii 1955 tii ayuu jaamacadda Boston ka qaatay shahaadada ugu saraysa ee Phd, xiligaasi oo wixii ka dambeeyey uu si toos ah u horkacayay halgankii dadka madoow, isaga oo xiligaasi madax ka ahaa urur ay leeyihiin kaniisadaha.

Talaabaddii ugu caansaneyd ee uu qaaday xiligaasi waxa ay ahayd kacdoonkii basaska ee Montgomery halkaasi oo haweeney lagu magacaabo Rosa Parks oo dadka madoow ahayd ay diidey in ay kursiga uga kacdo nin cadaan ah sida uu sharciga dhigayay, kadibna la xirey, King waxa uu ku guuleystey in sharcigaasi la tirtiro.

Waxaa king saameyn badan ku yeeshey falsafaddii Mahadma Gandi ee ahayd halganka aan hubeysneyn, iyada oo la qabanqaabinayo banaanbaxyo iyo dadka oo wada fariisanaya meelaha xafiisyada hortooda iyaga oo cabasho ah.

King ayaa dalka Hindiya booqdey sanaddii 1959-kii si uu wax uga soo barto halgankii aan hubeysneyn eed Gandi, kadibna kusoo laabtay Maraykanka xiligaasi oo horkacay kacdoonadii ugu waaweynaa ee soo maray taariikhda Maraykanka.

April 4 1968 ayuu dhintey a King waxaa lagu toogtey dil qaarijicin ah hotel lagu magacaabo Lorraine Motel, oo ku yaala degmada Memphis, ee gobolka Tennessee halkaasi oo uu u tagay in uu kaga qeybqaato dibad baxyo ay dhigayeen shaqaalaha nadaafadda dadka madoow ee degmadaasi.

Nin lagu magacaabo James Earl Ray ayaa loo qabtay dilkii King , ninkaasi oo laga qabtay garoonka Heathrow ee London halkaasi oo ka dhoofayayay isaga oo isticmaalayay magac kale iyo jinsiyad Canada ah , kuna sii jeedey dalkii horey loo oran jirey Rhodesia oo hadda ah Zimbabwe oo waagaasi caddaanka xukumayeen. sanadii 1969 ayaa lagu xukumey 99 sano xarig ah.

Halgankii uu horseedey ayaa Maraykanka ka dhigey maanta dal dadka madoow iyo kuwa caddaanka ay isku xuquuq ka yihiin, iyada oo uu haatan madaxweyne madoow ah ka taliyo Maraykanka.

Qore Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Boston, USA

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.