Home » Warar »

Cumar Cabdirashiid oo kala diray Golahiisii Wasiirada

Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku ogolaadey Codsigii Raiisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Golaha Wasiirada Cusub

Inta uusan Baarlamaanka ka doodin Kalsooni siinta Xukuumada Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya waxaa Gudoonka Sare soo gaarey Warqad Qoraal ah oo uu soo direy Raiisul Wasaaraha oo uu Baarlamaanka uu ku wargelinyo in uu kal direy Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo agacaabey kuwaa ka koobnaa ilaa 60 Wasiir.oo isugu jira Wasiiro , Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir ku xigeeno

Cumar oo kala diray wasiiradii

Markii uu Baarlamaanka uu soo gaarey Qoraalkaas ayaa waxaa la geliyey Cod gacan taag ah waxaana Baarlamaanka fadhidey ilaa 202 Mudane wxaana Codsiga raiisul Wasaaraha Ogolaadey 190 Mudane waxa ka soo horjeestey 10 Xubnood waxaa ka aamusey 2 Mudane waxaana Gudoomiyaha Baarlamaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu ka codsadey Raisul Wasaaraha uu muddo 14 Maalmood ku soo dhiso Golaha Wasiirada taasoo ku eg 13-da Janaayo sidoo kale markii uu Raiisul Wasaaraha uu soo dhiso Xukuumada waxaa uu Baarlamaanka ku hor imaanaya muddo Shan Cisho ah si loogu qaado Codka Kalsoonida

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

…………
RW. Sharma’arke oo soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Shacabka ku aqbaleen codsigii dib ula noqashada magacaabidda Xubnaha Golaha Wasiirada.

Muqdisho, 17, January, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku aqbaleen codsigiisii 16/01/2015 ee dib ula noqshada magacaabidda Xubnaha Gollaha Wasiirada cusub, isagoo qadarinaya dareenka iyo shucuubta Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo talooyinka guud ee ka soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu dib ula noqonayo magaacabista golaha wasiirada, isagoona timaalmay in uu ahaa go’aan geesinimo leh, oo ka turjumaya danta qaranka iyo muujinta xasilooni siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay in uu go’aansaday in dib-u-eegis ku sameeyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay 12-kii Januray 2015. Isagoo dareensan muhiimadda ay leedahay in tixgalin gaar ah la siiyo afkaarta kala duwan ee Xildhibaanada kadibna uu soo bandhigi doono Xukuumad hanan karta kalsoonida baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan tixgelin siiyay talada Xildhibaanda ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go’aankii aan ku magacaabay xubnaha golaha wasiirada. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wadatashi ballaaran kala sameeyn doono madaxda qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaariisyo hiigsiga 2016” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

“Xukuumada aan soo dhisayo waa mid looga fadhiyo in ay gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed adeegyada waxbarashada, caafimaadka, sugidda amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xasilinta dhaqaalaha dalka. Waxaa shaqada sii wadaya golihii hore inta lasoo dhisayo Xukuumad badasha si howlihii socday hakad u gelin” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid waxaa uu muddada 14-ka maalmood ee baarlamanku ay ka aqbaleen uu ku dhaqaaqi doonaa wadatashiyada si loo dhiso Xukuumad kasban karta taageerada iyo kalsoonida Golaha Shacabka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

—DHAMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter
Facebook

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.