Home » Warar »

Wasiirkii hore ee Khayraadka Badda oo Geeriyoodey

R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii ku timid Wasiirkii Khalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Barroow.

Muqdisho, Janaayo 16, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib xanuun hayey muddooyinkii u danbeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda magacaaban, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Maxamed Colow Barroow, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka iyo dhisitaanka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Maxamed Coloow inuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun

—Dhammaad—

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya.
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.