Home » Warar »

Shirkada Korontada Banaadir (BECO) oo Qiime Dhimis Balaaran u sameysey Bulshada Soomaaliyeed.

Shirkada Korontada Banaadir (BECO), ayaa qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ismarkaana waxay Munaasabadaas ay ahayd mid ay shirkada hoose ugu dhigeyso Sicirka Korontada ee ay siiso Bulshada Soomaaliyeed  waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey , Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Shrkado, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo marti Sharaf kale .koronti191

“Shirkadda Korontada (BECO) bulshada ayaa iska leh. Maantana waxa aan sameynay Qiima dhimis aad u weyn, mid kalana dhawaan ayaan sameyn doonnaa. Waxa aan idinka rajeyneynaa adinkana in aad nala shaqeysaan, taladiina muhiim ayey noo tahay. Shacabkeennu waxa ay helayaan koronta raqiis ah iyo shaqaala tababaran oo u jooga qancintooda., intaas oo dhanna waxaa naqu qasbaya qancinta Macaamiisheena sharafta Mudan sidaa waxaa yiri Cawil Tooxow Khayre oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada  Korontada Banaadir .

Ciise Maxamed Cabdi, Madaxa Howl-gelinta Shirkada Korntada Banaadir oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada oo  goobta ka hadley mar uu ku dhawaaqayay  qiime Dhimsta waxaa uuna Yiri, “BECO waxaa la’aasaasay sanadkii tegay, waxa ayna durbadiiba sameysay dhowr jeer qiima dhimis  waxaana maanta , halkii Kilo-Watt qiimahiisu noqonayaa 0.79 Cent ,  halka markii hore ka hayd 1.20 Cent waxaana rajeyneynaa in dhawaan aan sameyno qiima dhimistii midii ugu  balaarneyd”.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha  Jaamacada SIU, Prof Yaxye oo yiri, “Aad ayey u mahadsan yihiin Maamulka BECO oo aan ku amaanayo dadaalkooda. Muqdisho waa Shirkad ku dayasho Mudan. Korontada laga helo waxa ay wax badan ka wanaagsan tahay dalalka deriska la ha Soomaaliya . Qiima dhimista hada la sameeyayna aad ayaan u soo dhaweynayaa. Aniga ahaan bishii waxa aan koronto ku bixi jiray $4,000 oo Doolar marka aan xisaabtamayna waxaa ii hari doona lacag fara badan ”.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Muqdisho Maxamed Xassan Xaad oo isna halkaa ka Hadley ayaa si weyn  u soo dhaweeyay  qiima dhimista aadka u balaaran ee Shikadu sameysay isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan dadaalka muuqda ee ay hayaan Bulshada Soomaaliyeed oo si weyn haatan ugu tiirsan Isticmaalka Korontada

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.