Home » Warar »

Cumar Cabdrashiid oo ka jawaabay Hadal ka soo yeerey Qaar ka mid Xildhibaanada oo ku hanjabey in aysan Codka Kalsoonida siin doonin Xukumadiisa

Muran iyo Khilaaf weyn oo ka dhashey Magacaabistii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Golahiisa Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho durba ka bilowdey Shirar Goon Gooni ah o ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Magacaabistaas , waxaana Kulamadaan Hogaaminaya Xildhibaanadii iska waayey Liiska Golaha Wasiirada.

Xubnaha ugu cad cad ee doonaya in aan la siinin Codka kalsoonida Xukuumada Cumar Cabdirashiid waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Wasaarada arrimaha Gudaha ee Dowladii Cabdiweli Shiikh Axmed Mudane Cabdulaahi Joodax Barre oo hore ugu mid ahaa Wasiiradii sida weyn u doonayey in ay dhacdo Xukuumadii Cabdi weli, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan iyo Xubno kale kuwaa oo Magacaabista Golha Wasiirada ku tilmaamey mid ku dhisan Nin Jecleysi.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa sheegey Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid uu iska indho tiray baaqii aan u jeedineynay, sdaa darteed magaaabistaas waxaa intaas iii raaciyey mudanaha “Shacabka ayaa anaga ma talnaa, waxaana idin balan qaadeynaa inaanan codka kalsoona siin doonin, marka la horkeeno Baarlamaanka. Meeshii laga keenay ayaan ku celin doonaa sidoo kale isga ayaa marka dambe Mooshin ka keeni doonaa .”

Warar baa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uusan ku qanacsaneyn qaabkii loo soo dhisey Xukuumada islamarkaana waxana la sheegey in aan laga talagelin Magacaabistaas hase yeeshee Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku dhawaaqey Waqtiga Xukuumada Cumar Cabdirashiid uu hor imaanayo Baarlamaanka taas ah maalinta Sabtida oo ay bisha tahay 17 Janaayo

Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegey inuu la fariisan doono Xildhibaanada diidan Xukuumadiisa, kana dhaadhicin doono waxa ay tabanayaan, hase ahaatee waxaa uu ku dooday in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumaddii hore ay tahay in aysan hakad gelin howlihii muhiimka ahaa ee la soo qabtay hase yeeshee Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in Ra’iisul Wasaaraha uu gua baxay Balantii ay la galeen Raiisul Wasaaraha oo ahaa in uusan Dowladiisa ku soo darin Wasiiradii hore hadaba la arki doonaa Kulanka Baarlamaanka ee Sabtida
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.