Home » Warar »

R/Wasaare Cumar oo Caawa ku dhawaaqay Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

Muqdisho, Januari 11, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, kadib markii uu wada tashi kala sameeyey Madaxweynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul Wasaare Cumara ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta siin doonto dhamaystirka howlihii horey loo soo qabtay iyo dar-dar gelinta kuwa dhiman, isagoo tilmaamay in golaha wasiirada ay ku jiraan xubno muhiim ah oo shaqooyin badan soo hayey, hadana halkeedkii ka sii wadaya si loo xaqiijiyo waqtiga yar ee haray loona dhamaystiro howlaha culus ee horyaala Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa ka codsaday xubnaha golaha Shacabka in ay meel mariyaan xubnaha golaha Wasiirrada cusub si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.
“Waxaa jiraya isla xisaabtan dhab ah si looga guul gaaro aragtida 2016, dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin ku dhaca hab dimuquraadiya.Waxaan rajo badan ka qabaa in xildhibaanada baarlamaanku ay soo dhaweyn doonaan magacaabista golaha xukuumadda. Iyagoo fiirinaya marxalada dalku marayo ayna ansixin doonaan xukuumada cusub”.

“Waxaa na horyaala howlo badan oo u baahan in mudnaanta la kala siiyo, waxaan dadaalka ugu badan galin doonaa sidii dalka loo nabadayn lahaa, waana muhiim in waqtiga yar inaan ku dhamaystirno howlo badan oo qabyo ah, taas oo ay ugu horayso xoraynta goobaha ay nabadiidku dalka kaga hareen” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajaynaa golaha cusub ee Xukuumadu iney si daacadnimo ah u gutaan shaqooyinka baaxada leh ee horyaala, noqdaana kuwo wada shaqayn la yeesha dhamaan qaybaha kala duwan ee Hay’adaha dowalada, wuxuna u mahadceliyey dhamaan xubnihii soo codsaday kamid noqoashada golaha Wasiirada, una hambalyeeyaan Wasiirada cusub, una muujiyaan wada shaqayn.

Magacyada xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasaaradaha loo magacaabay waa sida ku cad shaxda hoos ku taal:

Magacyada Wasiirrada

1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen
2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda
3. Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda
6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga
7. Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha
9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada
10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
11. Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka
13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha
19. Ducaale Aden Maxamed Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
22. Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
23. Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
24. Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha
2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada
3. Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka
8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

1. Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda
2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
3. Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada
9. Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka
12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
16. Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha
18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
24. Cabdikarin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
25. Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka

cumar1

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisu-Wasaaraha Xukuumadda JFS

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.