Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Soomaaliya oo Digniin u dirtay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo Macdan ka baareysa Buuraleyda Gobolka Awdal

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaheeda islamarkasna ay bara kicisay dadkii iyo duunyadii deegaankaas ku noolaa.

Dawladda Soomaaliya waxay walwal ka muujnaysaa, sida horeba u dhacday, in shirkadaha sharci darrada ahi ay qaarkood ku hawlyihihiin inay sun ku aasaan badda iyo barriga Soomaaliya. Si looga fogaado xasarado iyo colaado ka dhaca gobolkaas, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baarista sharci darrada ah ee ay wado taas oo dhalisay xasarad siyaasadeed & nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel nabdoon.

Dowladda Soomaaliya, waxay ujeedinaysaa dawladda China in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.

Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka hooseeyo habdhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya macdan iyo shidaalka. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya masuul kama aha wixii dhibaato ama khasaare ah oo soo gaaro shirkadaha sida sharci darrada ah kusoo gala dalka.

Wasaaraddu waxay ka dalbanaysaa ARC inay si degdeg ah u joojiso hawlaha sharci darrada ah ay wado, dalkana isaga baxdo.

“Sidoo kale; wasaaradda Macdanta & Batroolka, waxay beeninaysaa, warbixinno been ah oo ay qoreen qaar ka mid ah Shabakadaha Soomaalida oo sheegay in Dawladda ka codsatay Shiinaha inay ka caawiso macdan iyo shidaal baaris.

Wasaaraddu waxay caddeynaysaa inaan warkaas waxba ka jirin. Waxa kaliya ee looga hadlay shirka dhex maray Wasaarada Arrimaha Dibadda & Wasaaradda Macdanta & Batroolka, JFS iyo Safaaradda Shiinaha waxay ahayd kaliya arrinta shirkadda ARC oo dhaqadhaqaaq sharci darro ah ka bilowday Soomaaliya gudaheeda, iyadoo ku xadgudubtay shuruucda caalamiga iyo madaxbanaanida waddanka, kuna tumatay midnimada dalka & go’aamada UN ta ee ku wajahan Soomaaliya.
Waxii warbixin dheeraad ah kala xiriir:
Tel: +252 615522003 / +25261-7542683
Email: fkurweyne@mopetmr.so / fkurweyne@gmail.com/ pr.mopetmr@gmail.com
Webpages: www.mopetmr.so / www.mopetmr.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.