Home » Warar »

Faarax Qare 2013: Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka

“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo. Hadalkaasi waa sidii uu 2013 ka rumaysnaa badda Soomaaliya.

Warbixintan waxay SomaliTalk kusoo baxday Sept 30, 2013… Hoos ka akhri

qare154

Sawiro kale halkan ka eeg

Kulan ay yeesheen Aqoonyahanada Badda Soomaaliya oo sheegey in Badda Soomaaliya lagu soo Duuley.

Hotelka Kuwait Plaza ee agaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50-Aqoonyahanada Badda Soomaaliya, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd isbarasho, is Wareysi iyo Aqoon isweydaarsi. Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee kulanka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa khubarro, XeelDdheerayaal, Madax iyo Badmaaxiin dhinaca Badaha horay uga soo shaqeeyay, waxaana ka mid ahaa: Eng. Cadde oo ah Bare dhinaca Badda iyo howlaha Kalluumeysiga Soomaaliya.

Madaxda kale ee iyagu ka soo qeyb galay Kulanka waxaa ka mid ahaa:- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jan. Faarax Qare, Axmed (Faarax Qare), Eng. Cabdi Jiinow Calasow, Eng. Yaasiin, Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Kabtan Mooge, Kabtan C/qaadir iyo xubno kale. Sidoo kale xubnaha ka soo qeyb galay waxaa ka mid ah Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee iyagu ka yimid Dalka dibadiisa, waxaana isbarasho kaddib la guda galay ujeedada kulanka, waxaana khudbad furitaan ah ka jeediyay Guddoomiyaha qabanqaabada kulanka Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in ujeedada kulankan ay tahay sidii Boorka looga jafi lahaa Aqoonyahanada Badda Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay inay yeeshaan guddi ka shaqeeya Dhismaha Urur ama Hay’ad ay ku Mideysan yihiin Aqoonyahanada Badeed ee Soomaaliya.

Eng. Cadde oo ka mid ah Barayaashii Dugsiyada iyo Khabiir ku Takhasusay Badda Soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in kulankani uu yahay mid muhiim u ah Horumarinta Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in aqoonyahanada Badda Soomaaliya ay yeeshaan Hoggaan iyo Maamul ka Madax bannaan Dowladda.

“Mar haddii ay isku yimaadeen intaan oo aqoonyahano Badeed ah, anigu waxaan isleeyahay inta kale ee maqanna inay yihiin kuwo Geeriyooday iyo kuwo Dalka Dibadiisa ku maqan” ayuu yiri Eng. Cadde oo sheegay in kulankani yahay mid rajo gelinayaa Xirfadleyda Badda inay dib boorka uga jafaan sidii ay Aqoontooda uga faa’iideysan lahaayeen.

Jan. Faarax Qare ayaa isna khudbad dhinacyo badan taabaneysay kulanka ka jeediyay, isagoona si weyn ugu Mahadceliyay Guddiga qabanqaabada ee kulankaan soo abaabulay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aqoonyahanada Badda ee kulanka ka qeyb gelaya wax badan ka qaban karaan dhibaatooyin ka jira Badda Soomaaliya. Waxa uu sheegay Taliyaha Badda Soomaaliya in meelaha ugu weyn ee dalka looga soo duulay ay ugu weyn tahay Badda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay si dhibaatadaas looga baxo ay muhiim tahay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.

“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ka mid ah khabiirada dhinaca Badda, horayna Maareeye uga soo noqday Dekedda Muqdisho isla markaana hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ayaa daboolka ka qaaday in kulani aanu noqon mid lagu kala tago oo aan ka soo bixin wax natiijo ah.”Aniga waxaan qabaa in la magacaabo Guddi soo diyaariya Dhismaha Urur ay ku Mideysan Aqoonyahanada Badda Soomaaliya” ayuu yiri Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in kulankaan uu yahay mid ka soo daahay xilligii ku habooneyd.

Dhinaca kale Eng. Muuse oo ah khubarada Badda Soomaaliya isla markaana gacanta ku hayay Dugsiga Badda muddo dhowr Sanadood ah, ayaa Madasha ka sheegay in qabashada kulanka Aqoonyahanada ay isugu yimaadeen uu isagu ka mid ahaa xubnihii isku duba riday. Eng. Muuse ayaa sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay marba haddii aqoonyahanadii Badda Soomaaliya ay ku dhan yihiin looga baahan yahay inay ka soo saaraan go’aano dhaxalgal ah, isla markaana si degdeg ah loo meel mariyo Go’aanada ay isku raacaan.

Daabacadii warbixintan ee Sept 30, 2013 HALKAN KA DAALACO

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.