Home » Warar »

Kulan lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kula balaaran oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, waxaana kulankaas ka qayb galay Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolka Hiiraan .

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed oo ugu horeyntii halkaas ka hadashey ayaa waxay u Mahadcelisey intii isku soo dubaridey Munaasabada iyadoo halkaas ka balan qaadey in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonto Dhalinyarada Gobolka Hiiraan gaar ahaan ku dhiirageinta Dhalinyarada Dhinaca Waxbarashada sidoo kale waxay sheegtey in ay ku dadaali doonto isku xirka dhamaan Dhalinyarada ku nool Gobolka Hiiraan iyadoo sheegtey in Keligeed aysan wax qaban Karin oo ay sheegtey in ay u baahan tahay Taageero dhinac kasta
image
Waxaana halkaas Khudbad dheer ka soo jeediyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo tilmaamey in Midnimada ay tahay mid lagu gaari karo Horumar gaar ahaan Gobolka Hiiraan wuxuuna kula dardaarey Guddoomiyaha cusub in Gobolka u horseedo hagaan fiican oo isku xira Dhamaan Dhalinyarada Gobolka Hiiraan
image
C/naasir Ismaciil Shabac, Maxamed Cali Aaden iyo Maxamed C/rashiid oo kulankaas Mahadcelin ka dib ka Hadley ayaa waxay ku dheeraadeen Taariikhda Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan, waxayna ugu baryeen in uu Xilkaas Ilaahay la garab galo, sidoo kale waxay ugu baaqeen Dhalinyrada Gobolka Hiraan in ay la shaqeeyaan Gudoomiyha Cusub ee Gobolka Hiraan sidoo kale waxay sheegeen in dhinacooda ay Hiiil iyo Hooba ay la garab istaagi doonaan Gudoomiyaha Cusub.
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.