Home » Warar »

Jaamacadda PLASMA

 

Xaflad  si heer sare ah loo soo agaasimey ku saabsaneyd ardey ka qalin  jabisey Jaamacadda PLASMA ayaa  lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda  ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galay Madaxda  Wasaaradaha Isboortiga iyoTacliinta sare, Maamulka  Degmada Hodan, Hay’adaha Caalamiga, Ganacsato, Waalidiin, Maamulka, Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda PLASMA,   Waxgarad iyo xubno  ka socotay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Xaflada  oo aheyd mid aad u balaaran ayaa waxaa ku qalin jebinayay in ka badan 670 arday oo dhameysatay qeybaha kala duwan ee Kulliyadaha Jaamacaddaasi kuwaas oo  Sannado dhowr  wax ka baranayay Jaamacadda  qaatayna Shahaadooyin  isugu jira Bachelor Degree iyo Diploma.somali186

Xafladaan  ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Ustaad Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi ) oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Plasma waxaa uu u  Hambalyeeyay ardaydii ka Qalin jabisey Jamaacadda  gaarteyna hadafkoodii isagoo xusay in Jaamacadda Plasma ay diyaar u tahay  ka Haqabtirka Shacabka Soomaaliyeed  Dhinaca  waxbarashada  si ay u tiigsadaan jiilasha la midka ah ee ku nool Caalamka .

intaa ka dib waxaa hadalka qaatey Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabduqaadir Cali Kulane oo Degmadiisu ay ku taalo Jaamacadda PLASMA  ayaa hambalyo ka dib waxaa uu  ku booriyay dhamaan ardayda Soomaaliyeed in ay wax bartaan maadaama xaaladda uu dalku ku jiro xiligan aysan ka saari Karin dhalinyaro aan wax baran.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha  Xilka ka sii degaya Dr.Khaalid Cumar Cali oo isna khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in loo baahan yahay kordhinta Xarumaha Waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacadaha si loo helo dad tayo leh .

Wasiirka Tacliinta sare mudane Ducaale Aadan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa u hambalyeeyay ardeydii qalin jabisey waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay in arday tiradaan oo kale ah  ay sanad weliba kasoo baxaan jaamacadaha kuyaala caasimadda dalkeena.

Jamiilo  Ibraahim Cali  oo ka mid ahayd ardeydii ka qalin jabisey Jaamacadda PLASMA barateyna Maamulka  iyo Maareynta oo la qaar ka mid ah  Warbaahinta ayaa sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay in ay qaadato Shahaada Koowaad ee Bachelor Degree, sidoo kale waxay sheegtey in sii wadan doonto Waxbarashadeeda ilaa ay heer sare ka gaarto.

Jamacadda PLASMA  ayaa ka mid ah Jamacadaha burburkii kadib dalka ka hanaqaaday waxaana  horay uga qalinjabiyey arday badan kuwaa oo hada ka dhax muuqda Hayadaha Caalamiga , Shirkadaha Ganacsiga , iyo Hayadaha Dowladda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.