Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu magaalada Ankara kula kulmay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiiragalinta maalgashika Soomaaliya oo tababar la xariira isku xirka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda u yimid Turkiga .
Shaqaalahaan oo tiradooda gaareyso Toban shaqaale isla markaana uu ka mid ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaliya ee Ankara Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) ayaa waxa uu safiirku kala hadlay halka uu u maraayo tababarkooda iyo hawlaha horyaala ee la doonaayo in ay u qabtaan qarankooda.
Safiirka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in shaqaalahaan loo tababaro isku xirka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda,isla markaana horay aysan u dhicin in tababarkaan ay qaataan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee tababarka qaadanaya oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay inta ay joogaan Turkiga ay qaadanayaan tababar wanaagsan, isla markaana ay ka soo bixi doonaan hawsha loo xilsaaray, waxa ay barteena ugu adeegi doonaan dalka iyo dadka Somaliyeed.
Ugu danbeyntii Shaqaalahaan ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa ay magaalada Ankara joogaan maalintii shanaad iyaga oo si wadajir ah u qaadanaya tababarkii loogu soo diray Turkiga waxaana hadda u soo gabagaboobay qeyb ka mid ah tababarkooda iyaga oo la siiyay shahaadadii koowaad ee tababarka.
Waa markii ugu horeysay oo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo dhiiragalinta maalgashiga loo qabto siminaar nuucaan oo kale ah oo la doonaayo in la iskugu xiro dhammaan safaraadaha ay leedahay Dowladda Soomaaliya ee ku yaala wadamada Caalamka.
Dhawaan ayaa qaar ka mid Warbaahinta Soomaalida waxay qoreen War sheegaya in qaar ka mid ah Shaqaalahaas Tababarka qaadanaya ay halkaa ka baxsadeen hase yeesshee Muuqaalka iyo warka Safiirka Soomaalida ayaa caddeynaya in Shaqaalahaas ay weli tababarkoodii wataan islamarkaasna uu haatan u dhamaadey Wajigii Koowaad ee Tababarka
W/D Maxamed Axmed Siyaad (Black)
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.