Home » Warar »

Beesha Jareer Weyne oo Dalbatey laga Tixgaliyo Awood qaybsiga Xukuumadda uu soo Dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Kulan ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay loogana hadlayay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo Arrimaha Beesha Jareer weyne ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Guurtida Beelaha Jareer weyne ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Beesha Jareer weyne.

kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiye ku xigeeka 2aad ee Golahaas Xaaji Shaahid Aadan Kheyrdoon oo ka hadlay hanaanka awood qaybsiga iyo samaynta maamulada dalka iyo sida ay u arkeen golahooda isagoona hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaan Maamulo loo dhiso Gobolada Dalka gaar ahaana gobolada iminka la hadal hayo sidii maamul loogu samayn lahaa sida Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe.
image
Xaajiga ayaa farta ku fiiqay ka hor intaan goboladaas maamul loo dhisin in xukuumaddu ay samayso Dib u heshiisiin maadaama goboladaas ay ka dhaceen Dagaalo saameeyay qabiilada halkaa wada deggan oo weli raadkoodii sii qoyan yihiin taasoo looga fadhiyo xukuumadda Ra’iisul wasaaraha Cusub in halkaas ay ka dhaliso jawi saamaxaya in la sameeyo maamul loo dhan yahay oo cadaalad ku fadhiya.
image
waxaa isaguna halkaa ka hadalay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golahaas Md Shiikh Axmed Shiikh Abuukar Gaafaa oo muujiyay sida beeshu u taageersan tahay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee dhawaanta la magacabay isagoona ka codsaday Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha.
image
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay tacadiyada loo gaystay Beesha Jareer weyne oo uu sheegay in xuquuqdii ay ku lahayd Dawladda aysan helin isagoona ku nuux nuuxasaday in loo baahan yahay in beesha laga tixgaliyo awood qaybsiga Xukuumadda uu soo dhIsi doono Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo uu sheegay in ay ku taageerayaan xilkaas loo magacabay.

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad oo dhinac kale ka hadlay qaabka warbaahinta ula dhaqmaan siyaasiinta Beelahaas ayaa ku canaantay in dhinacooda aysan ula shaqayn sida cadaaladda ay tahay isagoona tilmaamay in shirarka iyo kulamada beelaha kale in la buun buuniyo halka shirarka iyo kulamada Beesha Jareer weeyne aan sidaa loo qadarin.

ugu dambayntii kulanka khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareerweyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen Huneero oo dhankiisa ka muujiyay sida ay u taageersan yihiin una soo dhaweynayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke isagoona ugu hambalyeeyay xilkaas loo magacabay.

Guddoomiye Huneero ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Hanaanka qaybsiga Xukuumada isagoona farta ku goday in Beeshu aysan helin Xilalka ay ka mid yihiin Safiirada, Wasiirada Muhiimka ah iyo Wasiiro dawlayaasha arrimahaas oo uu sheegay mid aan cadaalad ku dhisnayn.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Ra’iislu wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa uu ku hoggaamiyo cadaaladda iyo hanaanka awood qaybsi ee Shanta beelood.haddii taa la waayana ay Soomaaliya ku socon doonto wixii hore u burburiyay xukuumadihii soo maray Soomaaliya.

Aweeys Shiikh Xuseen ayaa dhinacooda ballan qaaday inay diyaar u yihiin la shaqaynta xukuumadda isagoo si gaar ahna uga hadlay Maamulka ka jira Gobolada Jubbooyinka oo sida uu sheegay ay cadaaladdarro ka jirto isla markaa beelihii Goboladaas wada degi jiray aysan wax xuquuq ah aanay ka helin maamulka halkaa laga dhisay isagoona xukuumadda ugu baaqay in dib loo eego maamulka halkaa ka dhisan ee Jubba.

Kulankaas ayaa ku soo gabagaboobey jawi degganaansha ah iyadoo baaqyo loo diray Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka Soomaaliya iyo Beelaha Soomaaliyee si dib loogu soo nooleeyo wada dhalashadii Ummadda Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.