Home » Warar »

Hooyo Shukri Cabdulaahi Nuux “Laba Sanno Wareer iigu filan, waxaan Codsanayaa weli iney AMISOM Bixiyaan Magdhowgii Gabadheyda”

Rooda Cabdikariim Cabdulaahi waxay ahayd Gabar Shan jir ah oo ay dileen Ciidamada AMISOM ka dib markii ay jiirsiiyen Gaari Gaashaaman mar uu marayey agagaarka Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhigleey (Warta Nabada) ee Magaalada Muqdisho Bishii November 16-keedii Sannadkii 2012.

Si aan wax badan an u ogaano in Qoyskii Gabadhaas yar ee ay dileen Ciidamada Amisom oo Fadhigoodu yahay Garoonka Cayaaraha ee Istaadiyo Muqdisho bal in ay heleen Xaquuqdoodi iyo in kale ayaa waxaan Wareysasaney Hooyadii dhashey GabadhII Saqiirka ahayd ee Geeriyootey Hooyo Shukri Cabdulaahi Nuux, waxayna hadalkeedii ku bilowdey “ In aan maanta Saxaafada la hadalno waxaa igu Qasbey markii muddo ku dhow Labo sano aan Isaga Daba laabaneyney aniga iyo eheladeyda Xarumo badan oo Saldhig u ah Ciiddamada AMISOM ka dib markii ay noo sheegeen in ay bixinayaan Magtii Gabadhayda Rooda Cabdikariim oo ay horre u qirteen in ay si gardaro ah u dileen”

Hooyo Shukri waxaan weydiiney su’aal ahayd waxa ay u sugi waayeen marba hadii ay qirteen in ay si garadaro ah ku dileen Gabadheeda yar waxay ku jawabtey “ Waa Runtaa Muddo dheer ayaa sugeyney Xaqii gabdheyda hase yeeshee Maalmihii ugu dambeeyey ayey Taleefonadii iyo Xiriirkii kale ay naga goosteen waana mida maanta aan u soo bandhgeyno sida aan wanaagsaneyn oo ay noola dhaqmeen “ waxaan mar kale weydiiney Su’aal ahayd Talaabada tan xigta oo hadda la gudboon waxayna tiri

“Masuuliyiinta Ciidamada Amisom waxaan u soo jeedinayaa in ay sida ugu Dhaqsiyaha badan ay noo siiyaan Xaquuqdii Magdhowga ee Gabdheyda sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka in gacan ka geystaan sidii aan u heli lahayn Xaquuqdeennii maadaama Dowlad ay tahay mida mar waliba Xaquuqda u raadisa Mawaadiniinteeda mar kale waxaan ka codsanayaa Dowladda Federaalka in ay AMISOM Cadaadis ku saaraan sidii aan u heli lahayn Magdhowga Gabadheenna oo ay sida gardarada ah Gaari Gaashaaman u jiirsiiyeen Dharaar Cad oo marag ma doonta ah.

Waxaa halkaan ku lifaaqan Sawirka Gabadhii ay dileen Ciidamada AMISOM iyo Warqad qoraal ah oo uu qorey Kabtanki haystey Ciidamadii Kolonyada ahaa ee falka geystey , waxaa sidoo kale Qoraalka ku cad Taargadii Gaariga iyo Magaca Darawalkii Wadey Gaariga gabadha la diley

Sawirka hoose riix si aad u aragtid warqada oo weyn

image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.