Home » Warar »

Taariikhdii Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke oo loo wado Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Taariikhdiisii iyo qaabkii uu isaga Casiley Dowladii uu Hogaaminayey Shiikh Shariif

Musharaxiinta fara badan ayaa waxaa la sheegey in ay Madaxweyne Xasan Shiikh ay u gudbiyeen Waraaqahooda si loogu doorto Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii uu Raiisul Wasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed uu Codka Kalsoonids ka waayey Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya

Xubnaha ugu Cad Cad waxaa ka mid ah Raiisul Wasaarihii hore ee Dowladii Shiikh Shariif Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo haatana ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Cariga Mareykanka oo la sheegey in ay wataan qaar ka md ah Saaxiibada Madaxweyne Xasan Shiikh kuwaa oo doonaya in uu Xlkaas qabato iyagoo ku tilmaamey mid aan keeni Karin Khilaaf

Cumar Cabdirashiid ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in loo wado in loo Magacaabo Raisul Soomaaliya, waxaana haatan uu soo gaarey Magaalada Muqdisho sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa la sheegey in ay aad u dooneyso Dowlada Maareykanka oo lagu tilmaamey nin Wanaajin karo Xiriirka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo muqdi uu soo galey markii mooshinka laga keeney Raiisul Wasaarihii hore Cabdi weli Shiikh Axmed

Wararka kale ee aan heleyno waxay sheegayan in Cumar Cabdirashiid ay wataan Sharif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan loo doortey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Raiisul Wasaarihii hore ee Dowladi Cabdulaahi Yuusuf Prof Cali Maxamed Geedi oo ka dalbadey Madaxweyne Xasan Shiikh in uu Xilkaas u Magacaabo Cumar Cabdirashiid

hase yeesehe Dowladii Shiikh Shariif oo uu Raiisul Wasaaraha ka ahaa Cumar waxaa uu xilkaas baneeyey markii ay is khilaafeen Shiikh Shariif waxaana uu Xilkaas uu iska casiley 21 Sep 2010 waxana markiiba Raiisul Wasaare loo Magacaabey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Xilkaas hayey lix Bilood isagan waxaa uu ku tagey Heshiis ka dhacay Magaalada kambala oo uu ku lug lahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Cumar Cabdirashiid oo lagu Xasuusto Heshiiskii Badda ee 7 Abriil 2009 ayaa dad badan ay aad uga caroodeen hadba la arki doonee waxa uu ku soo kodhiyo Dowladda Xasan Shikh oo muddo hal sano ah mareysa laba Raiisul Wasaare sidoo kale dadka indha indheeya Siyaasada ayaa waxay sheegayaan in ay adkaandoonto sidi uu Codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka Federaalka

Jagadad Xilka Raiisul Wasaranimo ayaa waxaa mar waliba u soo tartanka Sioyaasiyiin fara badan kuwaa oo aad u doonya in ay qabtaan Xilkaas hase yeesee waxaa haatan ugu Cad Cad Xuseen Cabdi Xalane oo Dowladii Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ka ahaa Wasiirka Maaliyada iyadoo la xasuusta inta aan la soo Magacaabin Raiisul Wasaare Cabdi weli waxaa u ahaa ragii ugu cad cadaa in ay qabtaan Xilkaas

Iscasilaadii Cumar Cabdirashiid

Talaada, Sept 21, 2010) Xarunta Madaxtooyada isku casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ka dib markii uu si rasmi ah uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif u gudbiyey Warqadii Istiqaalada oo uu kaga tageyo Xilkii Raiisul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka, waxaana markii uu is Casilayey Rasul Wasaare Cumar Cabdirashiid Garab taagnaa Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayna ku wada Sugnaayeen Saddex Masuul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegey in sababaha uu isku casiley ay tahay markii uu sii xoogeystey Khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Madaxeyne Shiikh Shariif isla markaana uu gaarey meeshii ugu sarreysey, wuxuu kaloo uu sheegey intii uu Raiisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii lagu soo dhisey Jabuuti uu wax weyn ay qabatey Dowladiisa balse ay u saamixiweysey in ay howshoodii ay dhameystiranto sababo ammaan oo ka jirey dalka.

“Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga qaado” ayuu yiri Cumar Cabdirshiid oo ugu baaqay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in deg deg u Magacaabo Raiisul wasaare

Taariikhdii Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid da’aadiisa waxaa lagu sheegay,55 jir, waxaana cilmiga siyaasadda Sayniska uu ka bartay Jaamacadda Carlton University oo ku taalla caasimadda Canada ee OTTAWA.

7-dii sano ee ugu dambeysey wxuuu u shaqeynayey United Nations uuna ka ahaa Political Officer, wuxuuna ka soo shaqeeyay dalalka ay ka mid yihiin Sierra Leone iyo Sudan oo guullo waaweyn uu ka gaarey nabadeentooda.

Cumer Cabdirashiid wuxuu ku dhaawacmay hada ka hor xabad kaga timid qolooyinka mucaaradka ku ah dawladda Suudaan isagoo hawlo kaga jira tuulooyinka Suudaan, Sidaasna wuxuu kaga tagay shaqadii U.N uu u hayay.

Dawladdii Madaxwaxynihii hore Cabdullaahi Yuusuf,waxaa loo magacaabey Cumar Cabdirashiid Safiirka Soomaaliya ee wadanka Maraykanka Magaalada Washington.Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka wey ogolaatey Safiirnimadda Cumar, laakiin waxay dib ugu dhigtey in uu shaqadda bilaabo is haysashaddii soo dhex gashey Madaxweynihii hore iyo Ra’iisal Wasaarayaashii uu magacaabey.
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.