Home » Faallo »

Qalin Baa Ku daba yaal Dabar Jaraha Umadow!!! (maqaal)

Muxuu Qalinku Sheekiyo
Hadba Qodob la yaabliyo
Mahadhooyin Qorayaa

Hordhac.

Dhalinyaradu waa Aas aaska Umad waliba, Dabar Jaraha Umadana waxaan ula jeedaa Tahriibiyaha Dhalinyarada Somaliyed ee Firxadka ka ah Dhulkooda hooyo ee Hodanka ah asee dhibaatadu dilootay.

Haa waa dhab Ma ahan oo kaliya dhibaatada Bulshada heysataahi Tahriibka ee waxaa Jira Dhibaatooyin kale oo wajiyo kala duwan leh, hase ahaatee in Si Gaar ah aan Qalinkeyga Ugu sunto Mowduucaan ayaa waxaa igu Kalifay Qodobo dhowr.

1-Socdaalka Naf hurnimada ah (Tahriib) oo Dib usoo Labo kacleeyay.

2-Dhibaatada ay wadooyinka kala Kulmayaan Tahriibe yaash oo Batay.

3-Aqoonyahanadii Cusbaa ee Bad baadada Laga sugayay oo Tahriibiye yaal Isku badalay (Muqalasiin) iyo Kuwo kale.

Hadii aan Gudo galo Maqaalkeygan oo aan doonayo in uu ahaado Mid Baraarujin u ah Sama wadeyaasha ayaa waxaan rabaa in aan si gaar ah diirada ugu saaro Qodobka 3-aad oo aan qiyaasayo in uu yahay mid ay dadka intiisa Badani Moog Yihiin.

Dalka suudaan waxa uu ka mid yahay wadamada ay sida aadka Ah wax ugu bartaan ardayda soomaaliyeed oo waxaa Sanad waliba timaada Kumanaan arday ah oo soo dhameysatay Waxbarashadoodii Dugsiga sare si ay jaamacad u dhigtaan waxa ayna ka mid tahay sudan wadamada ay somalidu ku rajo weyntahay in ay ka yimaadaan Aqoonyahano dhulka ka qaada Dalkoodaasi Dagaalada iyo siyaasad xumidu la dagatay.

Hadii Beer la Abuuro waa ay adag tahay in ay soo wada dhalato ayada oo waxba aaney ka halaabin lkn waxaa Qasaaro ah in kuwa Halaaway ay ka badnaadaan kuwa Sida wanaagsan usoo dhasha ee lagu Manaafacaad sado.

Marka aan sidaa dhahayo ma doonayo in aan han jabiyo Umadeyda somaliyeed ama Aan iska dhaadhiciyo Fa’ido badan kamasoo socoto suudaan oo ay arday badan wax inoogu bartaan lkn waxaa Mudan xusid iyo is xasuusin waxii qaldan si loo helo xal.

Sida aan kor kusoo xusay waxaa Timaada Sudan arday waxbarasho u yimaada lkn si la mid ah Waxaa Yimaada Kumanaan dhalinyaro soomaaliyed ah oo ayaguna doonaya in ay marin ka dhigtaan dalkan si ay uga dusaan Libiya iyo bada ku teedsan ilaa ay gaaraan dalka talyaaniga halkaas oo Qof walibaahi kasii aado dalka uu Yurub ka doonayo in uu kaga Noolaado.

Diplomacy Ibraahim Abubakar Maxaad oo ah Aqoonyahan Master degree ku diyaariya Culuumta Siyaasada oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in ay Jiraan Arday heysta ama dhigta (Bachelor degree, Master degree) ay shaqo ka dhigteen Tahriibinta Dhalin yarada Tahriibka doonaya si ay shilimaad Yar uga qaataan halkii ay wacyi galin u sameyn lahaayeen taas oo uu ku timaamay Diplomacy-gu in ay ayaan Daro ku tahay Ragaasi.

Xaqiiqatan waa ayaan daro in aqoonyahankii la doonayay in uu umada baro wadaniyadda iyo wanaaga qof walbaahi uu ku leeyahay joogista dalkiisa uu asigu u sahlo Dhalinyaradiisii u hayaamida dal kale oo ay dhalinyaradiisu dhisteen.

Waxaase Taas iigasii yaab badneyd markii aan maqlay in ayba Jiraan Arday Bilo yar ay uga harsaneyd daraasada Jaamacada in ay ka tahriibeen Suudaan oo ay Qaarkood Xabsiyada liibiya imika ku Jiraan.

“2010 ayaan imaaday Suudaan aniga oo cusub ayaa waxaa ii yimaaday Arday jaamacadahoodii madhameystay markaas oo aan is Bar garaneynay lkn waxaa uu waagii igu baryay markii ay igula taliyeen in aan iska Tahriibo ayaga oo ku andacoonaya in ay sidaasi ila jeclaadeen” sidaasi waxaa igu yiri mid ka mid ah ardaydii ay la damacsanaayeen Marin habaabinta Muqalasiintaasi Aqoonyahanada Aan moodno asaaney u qalmin shahaadooyinkaasi ay Qaateen.

Waxba yuusan Qalinku ii seeto dheereyn e waxaan kusoo ebyayaa Faaladeydani Gaaban Fariin aan u dirayo Qolyaha wax tahriibiya oo aan leeyahay Ogow Taariikhdu waa ay is qoreysaa Baal madow ayaadna ka gali doontaan hadii aydaan wax ka badalin Nabaad Guurinta aad Ku sameyneysaan Umada Somaliyeed si dalka Beylah uu ugu noqdo Cadawga.

Dhalinyarada Tahriibayana waxaan Ku oranayaa “ma Jirto cid idiin dhiseyso dalkiina ee haka Tagina oo Jooga Maskaxdana ku hay Tahriibow In dalka aad u carareysid uusan dalkaaga ka Fiicneyne Dhalinyaradiisu ay dhisatay.”

Dhul Ninkiisii Baa is kaleh.

FG.Ogow Nin walbow Hadii aad ku xad gudubto Dhulka Ama Umada Soomaaliyeed mar Uun baad Cadaalada Hor Iman doontaa Hadii Aad ka baxsato Maxakamadda Aduunyaduna Ha Ilowbin in aadan Ka baxsan doonin Maxkamada Aakhiro.

By: Abdikamil Yusuf Mohamud
Khartoum_Sudan
kaamilsom@hotmail.com

Illegal_Immigrants-400x254

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.