Home » Faallo »

Maxaa faa’iido ah oo ku jirta joogista ay dalka joogaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya ?

Waxaa waayadan aad u kordhayo walaaca ay dad Soomaalidu ah ka qabaan cawaaqibka ka dhalan kara weerarada ay Al-Shabaab la beegsaneyso Kenyaanka aan Muslimka ahayn gaar ahaan dadka rayidka ha. Soomaalida ku nool dalka Kenya, ayaa ka walwalsan amnigooda,Iyagoo ka baqanayo in si gaar ah loo beegsado, Iyadoo loogu aargudayo dadka ay leyneyso Xarakada Al-sabab.

Walaacan ayaa si isku mid ah uga imaanayo guud ahaan dadka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool Xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya iyo kuwa nool gudaha Kenya, tusaale ahaan Soomaalida ku nool Gobolada u dhow dhow xuduudda, ayaa ka baqanayo in ay dhibaato ka soo gaarto weerarada iyo duqeymaha ay Kenya kaga jawaabeyo weerarada Shababka halka Soomaalida Kenyana ay ka cabsooneyso in lagu qaado weeraro aargoosi ah.

Hadaba qormadani, ayaa isbarbardhigi doonto faa’iidooyinka iyo qasaaraha ku jira joogista ay dalka joogaan ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Kenya.Waxa ay sidoo kale qormadu iftiimin doontaa qataraha la yareysanayo ee ka soo socda weerarada ay Shabaabku la beegsanyaan dadka aan Muslimka ee ku nool Kenya.Dadka Soomaalida, ayaad mood in ay waayadan noqdeen kuwa baraaruga marka ay arkaan madax dhiigyo leh.

Xarakada Al-shabab, ayaa waayadan bilowday weeraro cusub oo ay ku beegsaneyso dadka aan Muslimka ahayn ee ku nool dalka Kenya, Iyadoo weeraradaasi ku sheegtay in ay uga jawaabeyso joogista ay ciidamada Kenya joogaan gudaha Soomaaliya iyo waliba dhibaatada ay ciidamadeeda ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xeebta ee Kenya.

Weeraradii ugu danbeeyey ee Shababka, aya galaaftay nolosha dad badan oo Kenyaan ah,kuwaas oo u badan dad shacab ah sida macalimiin,dhaqaatiir iyo waliba dad xoogsato ah halka ay Dowladda Kenyana qaaday weeraro ay ku waxyeeloobeen Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabasan,Kuwaas oo lagu duqeeyey diyaarado dagaal. Dadka qaar ayaa isweydiinayo cidda u ogolaatay ciidamada Kenya in ay isticmaalaan diyaarado dagaal maadaama aysan AMISOM lahayn ciidan cireed.

Dilalkan ay Al-shabab la beegsatay dadkan aan muslimka ahayn, Ayaa waxa ay caro weyn ka abuurtay gudaha Kenya, taas oo laga caqsi qabo in ay dhacaan weeraro lagu qaado dadka Mulimiinta gaar ahaan dadka Soomaalida ah.Cabsidan ayaa taagan markasta oo ay wax dhacaan, waana sababta igu kaliftay inaan qormadan qoro Anigoo ka digayo dhibaatada halkan ka soo socoto, Islamarkaana tilaamayo xalkeeda.

Hadaba su’aashaa meesha taalaa waxaa weeye maxa faa’iido ah oo ugu jira dadka Soomaalid ah joogista ay dalka joogaan ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Yaase badan qasaaraha iyo faa’iidooyinka ka imaanayo joogistooda dalka ? Aniga waxa ay ila tahay, in aysan jirin haba yaraatee wax faa’iido ah oo ku jirto Aakhiro iyo Aduunba joogistooda dalka,waana sababeyn doonaa haddii uu Ilaah yiraahdo Anigoo waliba keenayo tusaalayaal dhowr ah

1-Ma jirin Xarakada Al-shabab ee maanta laga cabaadayo ka hor inta aysan dalka soo gelin ciidamadii Itoobiya ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga ahaa,Waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in ay Itoobiya sabab u ahayd soo bixitaankii Al-shabab. Yaa Waa calool lagu daaweynayo wixii ay ku jiratay !

2-Soo gelitaankii sharcidarada ahaa ee ay Kenya, Waxa uu amni darro cusub ka abuuray gudaha Soomaaliya iyo gudaha Kenyaba,taas waxaa ka daran markii ay Kenya horistaagtay howlihii ay Dowladda Federaalka ka waday deegaanada Jubooyinka,taasna waxaaan u malaynayaa in aysan faahfaahin badan nooga baahneyn.

3-Waxa ay labadan dowladood faragelin qaawan ku hayaan arimaha gudaha ee dalka taas oo runtii ka soo horjeedda Mandate-ka ay dalka ku joogaan tusaale ahaan waxa ay dowladda Kenya kala xigsatay kooxihii isku hayey maamulka Jubooyinka halka Itoobiya ay sidaas si la mid ah u kala xigsatay Kooxdii Koonfur Galbeed.

4-Joogistooda dalka waxa ay qatar ku tahay midnimada iyo Madax baaanida dhuleed ee dalka tusaale ahaan Kenya waxa ay haatan haysataa qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya halka Itoobiyana ay heshiisyo gaar gaar ah la galayso maamul goboleedyada dalka sida Somaliland,Puntland.Jubbaland iyo waliba Koonfur Galbeed,taasna waxa ay Qatar ku tahay midnimada dalka.

5-Waxa ay joogistooda dalka siineysaa Xarakada Al-shabab in ay sii waddo dagaalka sidii kol horeba dhacday ,Waxaa kaloo laga yaabaa in ay abuurmaan ururo kale oo ka qatar badan Shababka hadda laga cabaadayo iyo in ay dad badan oo Soomaaliyeed ka cararaan Dowladda sababa la xariira kulug lahaanshaha ay Dowladahani ku lugleeeyihiin siyaaasadda Dalka.

Tusaalayaasha aan soo xusay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay noo sheegayaan in aysan jirin faa’iido ku jirta joogista ciidamo ka socda dowladaha Itoobiya iyo Kenya ee ay joogaan gudaha dalka magac kastaaba haku joogaane. Taas waxaa ka daran, qataraha hadda ka soo socda weerarada ay Shababku ka geysanayaa gudaha Kenya,taas oo haddii ay sii socoto keeni karta dhibaato weyn oo soo gaarta dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha Kenya.

Maadaama aysan Shababku joojineynin weerarada ay ku hayaan dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa dariska, hadaba sow ma haboona in wax la iska weydiiyo faa’iidooyinka iyo qasaaraha ku jira arintan ? Jawaabtu waxaan qabaa in ay haa tahay maxaa yeelay, caqligu waxaa uu na siinayaa inaan ka fikirno talaabada aanu qaadeyno tusaale ahaan maxaa dhacyo haddii ay sii socdaan weerarada ay Shababku la beegsanayaa dadka aan Muslimka ahayn ee reer Kenya ?

Jawaabtu sow ma’ahan in la xasuuqo Soomaalida ku nool gudaha Kenya, Islamarkaana la boobo hantidooda, ama ha ahaato midda haysata Sharciga Kenya ama ha ahaato midda kale.Hadaba haddii taasi dhacdo Ilaah naguma keene maxaan ka faa’iidney faragelintii Kenya ? Maxayse soo kordhin karaan ciidamadan Africanka ee ku soo fashilmay dalalkoodii tusaale ahaan dalka Ugandha waxaa ka jira kooxo hubeysan oo dagaal kula jira dowladda dalkaasi hadana Soomaaliya ayey dagaal kaga jirtaa ?!

Maadaama aan dalalkani daris nahay, islamarkaana ay jiraan arimo badan oo u baahan in la xaliyo, Anigu waxa ay ila tahay inaanan marna loo baahneyn faragelin ka timaadda dalalkani duruuf kastaaba ha keentee. taas waxaa ka daran wixii meel ka dhaco waxa ay islamarkiiba saameynayaa meesha kale marka sow ma’ahan inaan dhinacyo badan wax ka fiirino ? Midda kale sow ma’ahan inaan ka fikirno danaha aan ka leenahay dalka Kenya ?

Midda kale, haddii loo baahan yahay ciidamo nabad ilaalin maa dalka la keeno dalalka aan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba isku midka nahay sida dalalka Yeman,Sudan,Masar,Bakistaan,Sacuudiga iyo kuwa la midka ah. Ma garan ujeedada iyo danta laga leeyahay Waxa Amxaaro iyo Kiikuunyo naloogu qasbayo mise waxaa la doonayaa in si tartiib tartiib ah dalka loogu wareejiyo waana midda ay u badan yahaye.

Midda kale, haddii ay meeshu u yimaadeen in ay nacaawiyaan maxay u jalaafeynayaan markasta hanaanka dib loogu dhisayo dowladnimadeena ? Maxay heshiisyo ula galayaan maamul goboleedyo Iyada oo ay joogto Dowladdii Dhexe yaase hortaagan in ay Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo sugo amaanka xuduudaheeda siday awalba ahayd. Nin ku dilay har ma kuu jiidaa ? Anigu maya laakiin Siyaasiga Soomaaliga haa.

Gaba gabadii, waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa wax faa’iido ah oo uguma jirto dadka Soomaalida ah joogista ciidamadan ay joogaan gudaha dalka, bal waxaa ka dhalanayo qataro ka badan faa’iidooyinkooda waaba haday faa’iido leeyihiine waana sababta aan mar walba u codsado in dalka laga saaro ciidamada maadaama aysan amninana keeni Karin Islamarkaana ay abuurayaan mushkilado hor leh.

Amma haddii la diido in dalka laga saaro ciidamadan hadaba waxaa qaadi doono wax alaale iyo wixii meeshaas ka dhasho oo soo gaaro guud ahaan dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa ku nool sedexdan Wadan raggii Shalay soo geliyey ciidamadan oo ay ugu horeeyaan Sheekh Shariif ,C/wali Gaas,Faarax Macalin,Yuusuf Xaaji,Aadan Barre ducaale,Bilow Keeroow,Xasan Sheekh,Saacid Shirdoon,Jawaari,Axmed Madoow iyo ugu danbeyn Hogaanka qeyru-masuulka ah ee Xarakada Al-shabab.

Hadaba, waxaan soo jeedinaya talooyinka soo socda oo aan is leeyahay waa kuwa loo baahan yahay si looga hortago qataraha soo socad ee la yareysanayo.

1-In dalka laga saaro ciidamadan labadan dowladood si aysan marmarsiiyo ugu noqon Xarakada Al-shabab.

2-In la qabto shirar looga doodayo faa’iidooyinka iyo qasaaraha ku jira ciidamadan.

3-In aysan Soomaalida Kenya dhayalsan qatarta ka imaan karta weerarada ay Shababku u geysanayaan dadka aan muslimka ahayn

W/Q:Cabdullahi Ibrahim

Abdull2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.