Home » Warar »

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Degmada Xamar weyne oo la Caleemo Saarey.

Degmada Xarmar weyne oo noqotey Degamadii ugu horeysey ee Sameysta Hogaan Rug Ganacsi

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedadeeduna ahayd Caleema saaraka Gudoomiyaha Rugta Gacansiga Degmadda Xamar Weyne, ayaa ka dhacday Magaaladda Muqdishu, Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, kan Degmadda Xamar Weyne, Masuuliyiinn ka socotay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsaga, Rugta Gacasiga, Ururda Haweenka, Odayaasha Dhaqanka, Dhallinyadda, iyo Marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa goobta ka haday Afhayeynka Rugta Gacansiga Degmadda Xamar Weyne Mudane Cali Cismaan Abtidoon (Cali Baashi) Wuxuu sheegay in Guddiga Gancasatada Degmadda Xamar Weyne uu ka kooban yihiin 25 Xubnood oo Shan ka mid ahi ay yihiin Guddiga fulinta.
image

Afhayeenka oo sii hadlaty waxa uu yiri “ujeedadeenu ma ahan dano Dhaqaale ee waa Horumarinta Ganasciga Degmadda Xamar Weyne iyo Ganacsigeeda, waxaan diyaar u nahay in aan bixinno Canshuurta nagu waajibtay,waxaan kaloo diyaar u nahay in aan la shaqeyno ciidmadda Ammaanka si nabadgelyo loo helo,.

Waxaanka codsaneynaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Doladda dhexe in ay nadiifiyaan Wadooyina, isla markaana ay dayctir ku sameyaan si Ganacsigu u badbaado.

Intaa ka dib waxaa makroofanka lagu soo dhoweeyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Degmada Xamar Weyne, Mudane Cismaan Maxamed Cawaale (Beynoos) waxa uu sheegay in sababata keentay in lagu dhawaaqo Gudiga Ganacsiga Degadda Xamar Weyne ay tahay in la buuxiyo baahi jirtay. Wuxuna intaa ku daray in maanta iyo wixii ka danbeeyo ay masuul ka yihin Ganacsiga Degmadda Xamar Weyne,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.