Home » Warar »

URUR AY KU MIDEYSAN YIHIIN WARGEYSYADA MADAXABANAAN EE MUQDISHO OO LAGU DHAWAAQAY.

Kulan ay isugu yimaadeen Madaxda iyo Qorayaasha Wargeysyada Madaxabanaan ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay xarunta Wargeyska Xamar ee ku dhex taala Jaamacada Green Hope 7/12/2014.

Kulankaasi oo looga wada xaajoonayay sidii loo horumarin lahaa Wargeysyada Muqdisho una midoobi lahayeen waxaa si saraaxad leh looga hadlay arrimaha ku saabsan sidii loo dhisi lahaa urur mideeya Wargeysyada Madaxabanaan ee Muqdisho.
image
Ka qayb galayaasha waxaa ka mid ahaa wargeysyada kala duwan oo kala ah Xog-ogaal, Muqdisho Times, Xog-doon, Horyaal Sports, Xamar, Degan, Aayaha Nolosha, SOSCENSA, Qalin iyo Xushmo, waxaa laysku af gartay in hore loo sii wado in la dhiso urur mideeya Wargeysyada madaxabanaan ee Muqdisho.

Kulamadani oo soo socday muddo 3 Bilood ah waxaa lagu dhisay Ururka Wargeysyada Madaxabanaan ee Muqdisho (Mogadishu Independent Newspapers Association) (MINA) waxaana lagu doortay hogaanka ururkaasi oo kala ah:-

Ismaaciil Cumar Madoobe Gudoomiye

Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto) G/xigeenka 1aad

Maxamed Axmed Siyaad (Black) G/Xigeenka 2aad

Maxamuud Yuusuf Culusow Xoghayaha Guud

Barre Sheekh C/laahi (Bangladesh) Kaaliyaha Xoghayaha Guud
image
Iyadoo dib loogu balamay in laysugu yimaado shir kale oo lagu ansaxin, Xeerka, qaab dhismeedka iyo qabashada xaflada ku dhawaaqista Ururka Wargeysyada Madaxbanaan ee Muqdisho (MINA) Kulankaasi waxaa uu ku soo gababoobay jawi is af garasho iyo farxad loo wada dhan yahay . image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.