Home » Warar »

R.W Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Mogadishu, 06 December 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Somalia uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah faahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta berri ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay.

—-Dhammaad—-
image
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Codka Kalsoonida ka waayey Baarlamaanka Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.