Home » Warar »

Hay’adaha AVRO iyo SOYDEN oo soo Gabagabeeyey Mashruuc Waxbarasho oo ay ka Faa’iideysteen in ka badan Boqol Dhalinyaro.

Munaasabasad si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana ku saaabsaneyd Dhalinyaro so dhmeysatey Waxbarasho mudo Lix Bilood ah, waxaana Mashruucaas fuliyey Hirgelintiisa Hayadaha AVRO iyo SOYDEN iyagoo gacan ka helaya Hayadaha Qaramada Midoobey sida UNDP, UNICEF iyo ILO , waxana Kharasha Tababarkaas bixiyey Dowlada Jabaan, waxaana Munaasbadaas ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka, Hayadaha Samafalka Masuuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, Waalidiin, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale ,

Ugu horeyntii waxaa Munaasabadaas ka Hadley Dr Cabduqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ah Madaxa Hayadda AVRO kuna hadlayey Magaca Labada Hayadood ee Mashruuca Fuliyey waxaa uu ugu horeyntii u Mahadceliyey Dhamaan hayadihii Suurta geliyey Hirgelinta Mushruucaas loogu Magacadarey Isbedelka Dhalinayrada , sidoo kale waxaa uu sheegey in Tababarkaas ay dhalinyarada ku baranayeen Xalinta Khilaafyada, Dhiisida nabada, Dib u heshiisiinta, Sharciga iyo kala Dambeynta, Talabixinta, Tarbiyada, Dhaqanka, Sportiga , Luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriska .

“Sideed Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir ayey ka yimaadeen Dhalinyaradaan maanta aan halkaan Shahaadooyinka ku Gudoonsiineyno , ma ahayn kuwa ay soo Xuleen hayadaha AVRO Iyo SOYDEN ,ee waxaa soo xuley Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Guddiyadooda waxaana ay ka kooban yihiin 125 Dhalinyaro Soomaaliyeed , waxaana aaminsanahay in Mustaqbalka ay dalkooda iyo Dadkooda wax tari doonaan” ayuu yiri Dr Cabduqaadir cabdiraxmaan Aadan

Cabdiraxmaan Cali Muuse oo ka socdey Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga oo ahayd Wasaaradii Kormeereysey Masruucaas ayaa waxaa uu halkaa ka cadeeyey in In Hayadaha AVRO iyo SOYDEN ay si dhab u hirgeliyeen Mashruucaas waxbarasho oo uu sheegey in ay ka faaiideen Dhalinraro fara badan kuwaa uu Xusey in markii hore haysan Waxbarasho ,wuxuuna u soo jeediyey Hayadaha Caalamiga in ay Dhalinyaradaas u dhameystiraan Waxbarashadooda.

Macalimiintii iyo Waalidiintii qaarkood oo halkaa ka Hadley ayaa u Mahadceliyey intii Gacan ka geysatey taaba gelinta in uu miro dhalo Mashruucaas waxbarasho oo Caruurtoodu heleen , waxayna u soo jeediyeen Dhamaan hayadaha ku lugta lahaa Tababarkaas in ay Mashruucaan ku balaariyaan Guud ahaan dalka si loo helo Dhalinyaro Dhinac walba ka Fayow oo wax tara Mustaqbalka dalkoodoa iyo Dadkooda.

Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo ku hadlayey Magaca Hayadda MMC ayaa waxaa uu halkaa ka cadeeyey in Hayadiisa ay Dhalinyarada Dhameysatey Waxabarashada ay bari doonto Xirfado ay ku shaqeystaan, kuna bari doonaan muddo Sadex Bilood ah taasoo ujeedku yahay in uu qofka uu isku filnaado
somali180
Gudoomiyaha Degmada Hodon oo ku hadlayey Magaca Degmooyinkii ka faaiideystey tababarkaas Cabdiqaadir Cali Kulane ayaa u Mahadceliyey hayadihii Suutageliyey Hergelinta Masruucaas, waxaa uu hoosta ka xariiqey in ay wax weyn qabteen maadaama ay ka meeleeyeen Dhalinyaro Boqol ka badan waxaa uu intaa ku darey “Hayadaha markii hore Dadka ayey Quudin jireen oo raashin ayey bixin jireen maanta doorkaas way badaleen oo waxay bilaabeen in ay dadka wax baraan si Mustaqbalka u Dabaranaan ama u kaafiyaan Naftooda, waxaana Munaasbadaas intii ay socotey Dhalinyaradii wax baratey soo badhigeen Riwaayada ka hadleysa Dhisida Nabadda waxaana ugu dambeyntii la gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo abaalmarino Khaali ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.