Home » Warar »

Usbuucii Sheekh Axmed C/samad iyo Galdogob

Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culumada soomaaliyeed ayaa maalmahaan nashaad dacwo kawaday magaalada Galdogob, nashaadaadkaas oo ay diyaarisay Mu’assasada Alminhaaj ee Galdogob ayaa ku bilowday kulan uu shiikhu la qaatay guud ahaan goloyaasha dacwada ee degmada , kulankaas waxaa uu isugu jiray xogwaraysi, qiimayn iyo talo wadaag waxaana Go’aan lagu gaaray in la garab istaago shaqooyinka dacwo iyo horumarineed ee ay wado Mu,assasada Alminhaaj.

somali178

Sheekhu wuxuu galay muxaadaro caam ah oo uu kaga hadlay hababka ugu haboon oo bulshada dacwada loo gaarsiin karo, sidoo kale wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhimada ay leedahay in la mideeyo Bulshada lana hagaajiyo Xiriirka Bulshada dhexdeeda ah.

Sheekhu wuxuu u kuurgalay habka uu u shaqeeyo Machadka Imaamu Bukhaari oo kamid ah Macaahidda ugu wax soo saarka badan degaanada Puntland , wuxuu kaloo ka qayb galay Xaflad loo qabtay qayb kamid ah Gabdhaha Machadka oo dhamaystay duruus xalaqaad ah , sidoo kale wuxuu ka qayb galay kulan ay soo abaabuleen raabido ay lee yihiin ardaydii dhamaysatay Machadka , wuxuu kaloo la kulamay Maamulka, Macalimiinta iyo Gudiga Boorka ee Machadka waxaana lagu la faguray kulamadaas sidii loo dardar galin lahaa loona tayayn lahaa hawlaha waxbarasho ee machadka.

Sheekha oo uu wehliyo Maamulka mu’assasadu waxay la kulmeen hawlwadeenada iskuulka iyo koleejka Al-nuur , wuxuu kaloo sheekhu booqday Jaamacada Bariga Afrika (Galdogob) , wuxuuna wax ka fududeeyey oo waqti badan galiyey sidii loo xalin lahaa duruufo haystay Jaamacada.

Hawlaha Sheekha iyo mu’assadaba waxaa garabtaagnaa Sheekh C/risaaq (Abu-Cubayda) oo nooga yimid wadanka Kenya , waxaa sidoo kale Nashaadaatkaan kusoo biiray Fadiilatu Dr C/risaaq Maxamuud Takar oo ka yimid Uk.
Si kastaba ha ahaatee Usbuucaas ayaa ahaa mid saamayn ku yeelan doona Abaabulka iyo isku dubaridka Hawlaha Dacwada ee Degmada Galdogob.

Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

…………….

Muxaadaro Xisaabi Naftaada intaan lagu Xisaabin Cumar C/xamiid Rashiid.

Muxaadaradaani oo loo qabtay Gabadhaha Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kuwa ku taxan Muxaadaraad Taxane ah oo lagu qabto Galab walba oo Jimce ah Masjidka Al-Furqaan ee Xaafada Israac4 (Siinaay) Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku saabsanayd sidii Qofku uu ula xisaabtami lahaa Naftiisa inta aan Maalinta Aakhiro Alle Xisaabin.

Muxaadarada ayaa Walaal Cumar C/xamiid waxaa uu aad ugu Dheeraaday xisaabinta Nafta iyo Muhiimada waxaana Mawduuca uu kusoo qaatay Dhawr Qodob oo Muhiim waxaana ay kala ahaayeen :-

1-Isxisaabinta iyo sugnaansheheeda Alle waxaa uu yiri :

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَلْتَنْظُرْ نَفْسٌ مَا قَدَّمَتْ لِغَدٍ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(18)وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنْسَاهُمْ أَنْفُسَهُمْ أُوْلَئِكَ هُمْ الْفَاسِقُونَ(19(

2-Cibaado ay baqdin la socoto : Qofka waxaa looga baahanyahay in uusan is dhigin oo uusan ku qancin Cibaadooyinka yar yare e uu samaynayo , waxaana la gudboon in uu aad u cibaadaysto isaga oo ka baqaya in aan laga aqbalin.

3-Waaniyada Alle ee Qalbiga kujira : Naftu waxay doonaysaa Xumaanta Qalbiguna waxaa uu leeyahay ka jog.

4-Culimada waxa ay ka yiraahdeen Xisaabinta Nafta:

5-Qaybaha Xisaabinta Nafta : Nafta waxaa la xisaabanayo laba Goor inta Qofku uusan ku kicin Camal iyo marka uu sameeyo kadib.

6-Waxyaabaha kuugu kaalmaynaya in aad Naftaada Xisaabisid.

7-Qaab loola Xisaabtamayo Nafta , Marka hore Waajibaadkii makasoo baxday , kadib Xaaraantii maka fogaatay , Kadibna Xuska Alle , Kadib Waxyaabaha ay Xubnihiisu ku kacaan.

8-Faaidooyinka Xisaabinta Nafta.

9-Ugu danbayn Tareenka Nolosha ee maalin walba usii socda Aakhiro iyo ka digtoonaanshaha Qofku in uu noqdo Busaarad sida Nabigu uu yiri

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: (أتدرون من المفلس؟ قالوا: المفلس فينا من لا درهم له ولا متاع؟ فقال: (إن المفلس من أمتي يأتي يوم القيامة بصلاة وصيام وزكاة، ويأتي قد شتم هذا، وأكل مال هذا، وسفك دم هذا، وضرب هذا، فيعطي هذا من حسناته، وهذا من حسناته، فإن فنيت حسناته قبل أن يقضي ما عليه، أخذ من خطاياهم فطرحت عليه، ثم طرح في النار) [مسلم].

Muxaadaraatkii loo qabtay Gabdha Masjidka Al-Faaruuq ay waxaa ay kala ahaayeen:-

1.Baraarujino Guud 2.12.1435 , 26.09.2014

2.Adaabta Ciida iyo Axkaamta Udxiyada 9.12.1435 , 03.10.2014

3.Fadliga Cilmiga , iyo waxbarashada Dadka waawayn suura gal nimadeeda 16.12.1435 , 10.10.2014

4.Fadliga Qur’aanka 23.12.1435 , 17.10.2014.

5.Akhlaaqda Gabdha Muslimada ah 24.10.2014

6.Xishoodka 31.10.2014

7.Isbarasho iyo Kulanka Gabdhaha 7.11.2014

8.Dulqaatka 14.11.2014

9.Waano iyo Wacdi 21.11.2014

10.Xisaabi Naftaada intaan lagu xisaabin 28.11.2014

C/raxmaan C/nuur C/laahi

Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.