Home » Warar »

Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow Madaxweynaha oo la filayo in ay iska Casilaan Xilalkooda.

Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana Khilaafkaan uu sii Xoogeystey ka dib markii Xildhiaanada Baarlamaanka ee Taageersan Raiisul Wasaaraha ay markii Saddexaad ay Fowdo ka sameeyaan Kalfadhigii Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga Caroodeen Gudoonka Sare ee Baarlamaanka oo markiiba ka soo saarey Go;aano oo uu ugu muhiimsanaa in gabi ahaanba la joojiyo Mooshinka looga soo horjeeda Raiisul Wasaaraha inta uu Baarlamaanka uu Heshiinayo.

image

Khilaafkaan u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Raiisul Wasaaraha waxaa si aad ah looga dareemey Dhamaan Hayada Dowladda Federaalka oo muddo ku dhow laba Bilood aysan wax shaqo ah ka socon sidoo kale waxaa Khilaafkaan uu Gabi ahaanba joojiyey Howlahii Baarlamaanka Federaalka ka dib markii Xildhibaanada u qaybsameen Laba qaybood oo la kala safan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaarahan, waxana Magaalada haatan ka socda Shirar looga hadlayo Khilaafka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka.

Warar aan heleyno haatan waxay sheegayaan in Wasiiro ka tirsan Dowlada kana soo horjeeda Raiisul Wasaaraha ayaa kulamo ku leh Magaalada Muqdisho waxayna ka hadlayaan sida ay ka yeelayaan Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyadoo qaar ka mid ah ay soo jeediyey in Gabi ahaanba iska Casilaan Xilalka ay u hayaan Xukuumada Raiisul Wasaare Cabdiweli iyadoo Raiisul Wasaaraha uu hore Wasiiradaas ugu sheegey in ay deg deg u soo gudbiyaan Iscasilaadooda si loo Buuxiyo Boosaskooda.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa lagu tilmaamey kii ugu Xumaa ee ka dhaca Dalka iyadoo dadka u kuurgala Siyaasda ay soo jeediyeen in Beesha Caalamka ay deg deg u dhexgalaan Khilaafka Labada Musuul maadaama ay adag tahay in ay Labadooda mar kala u wada Shaqeeyaan sidoo kale odayaasha Dhaqanka ee hore u soo Xuley Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana u soo jeediyey Beesha Caalamka in deg u soo kala dhex galaan Khilaafka Labada Masuul inta uusan gaarin meel Xun.

Qaar ka mid ah Xldhibaanada Baarlamaanka oo soo gudbiyey Mooshinka ayaa Sharcidaro ku tilmaamey Go’aanka ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka iyagoo sheegey in Mooshinka ay soo gudbiyeen ee looga soo horejeeda Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uu yahay mid Sharci waxayna ka codsadeen Gudoonka Baarlamaanka in ka shaqeeynaa isku soo dhawaansha Xildhibaanada Baarlamaanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.