Home » Warar »

Kulankii Baarlamaanka oo Markale Lagu Kala dareeray

Iyo Go’aan Kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – iyo warmurtiyeed uu soo saaray ra’iisul wasaaraha DFS sheegayna (“Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”) –

Waxaa markale socon waayey kulankii baarlamaanka ee la doonayey in cod loo qaado kalsooni kala noqoshada ra’iisal wasaaraha DFS.

Waxaa arrintaas go’aan kasoo saaray guddoomiyaha baarlamaanka, jawaari.

Halkan ka akhri go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in aysan aqbali doonin go’aanka ka soo baxa baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aankiisa ku sheegay in aan hawsha la wadi doonin ilaa xal looga helayo xasilinoodi darada baarlamaanka.

Halkan ka akhri go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhanka kale waxaa mooshinka war-murtiyeed ka soo saaray ra’iisul wasaaraha DFS.

Halkan ka akhri war-murtiyeedka RW. Cabdiweli: “Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”

Buuqii ka dhacay baarlamaanka hoos ka daawo

Dhanka kale waxaa magaalada Garbahaaray ee gobolkanGedo maanta Nov 24, 2014 ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha DFS.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.