Home » Warar »

Xildhibaanno: Ma aqoonsan doono Natiijada ka soobaxda Baarlamaanka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinka oo sheegey in aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Kulan baarlamaanka.

Waxaa la filayaa in Maalinta Isniinta oo ku beegana 24 November 2014 lagu Balansan yahay Kulankii Baarlamaanka kaasoo la sheegey in looga hadli doona ama lagu qaybin doono Mooshinkii looga soo horjeedo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed , waxaana uu kulankaan uu qayb ka yahay Laba kulan oo hore u suurtageli waayey ka dib markii qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Raiisul Wasaraha sameeyeen Ama qaadeen Soomaaliyey toosa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu digniin u direy Xubnaha Baarlamaanka ee doonaya in ay Fowdeeyaan Kulan Beri ka dhacaya Xarunta Baarlanaanka isagoo ugu baaqey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay dhowraan Xeer hoosaadka Baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanada Taageersan Raiisul Wasaaraha ayaa Warbaahinta u sheegey in ay sii wadi doonaan Sida ay uga soo horjeedaan Mooshinka.

Halkan ka akhri mooshinka loo qaybin doono baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo Labadii Maalmood ee ugu Dambeysey ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabatey Magaalada Muqdisho , waxaana la sheegey intii uu ku sugnaa Jabuuti uu Masuuliyiinta Dalka Jabuuti ay isla so qaadeen Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyadoo Dowlada Jabuuti ay Codsatey in Khilaafka lagu Xaliyo si hoose.

image

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee sida weyn u taageersan Raiisul Wasaaraha ayaa waxay sheegeen in Natiijo kasta oo ka soo baxda Kulanka Beri ee la doonayo in Kalsoonida lagala noqdo Raiisul Wasaaraha aysan aqoonsan doonin islamarkaana waxay sheegeen in Beesha Caalmka ay gaarsiin doonaan Qoraalo ay uga soo horjeeda Kooxda Taageersan Madaxweynaha hadaba la arki doonee waxa ka soo baxa Kulanka berito Isniin ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.