Home » Maqaallo »

Mooshinka Xaqdaradda Ah Waa Mid Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud Iyo Xulufadiisu: Uga Soo Horjeedaan ‘Xisaabtanka Iyo Geedi Soconka Nabada’

Dulucda arimaha la isku haysto Soomaaliya, waxaa abuuray ama sii horinaayo – waa hugriga wayn ee uga jira shisheeyaha deegaanka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa oo leh dhul istaraajiyadeed oo Bad, Beri iyo Cir ka hodana ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa QurboJoogta Waqooyiga America isla dhexmarayaan, in Wasiiro ka tirsan Xukuumada Prime Minister Abdiweli Sheik Ahmed, oo ay ugu horeeyaan: Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Arimaha Dibada, lagu wado in ay noqdaan Prime Ministerka wadanka yeelan doono, hadii la rido xukuumada Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed.

Sida laga dhadhansanayo wararka ka soo yeeraya taageerayaasha, Wasiirka Maaliyada, u fadhiya magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, in Wasiirka Maaliyadu yahay mid si wayn ugu hanwayn in uu noqdo Prime Ministerka Soomaaliya yeelan doonto. Iyadoo QurboJoogtuna ay walaac wayn ka muujiyey Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arimaha dibada iyo Wasiirka hada loo magacaabay Wasiiradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa. Kuwaas oo ah xulufo uu adeegsado Madaxa uruka Damul Jadiid, Farah Sheikh Abdulkaadir, oo si wayn loogu tuhunsan yahay in uu hortaagan yahay gedi soconda nabada wadanka madaama uu yahay dadka ka faa’iidaystey nadhaamka 4.5ka, diidana ra’yiga ‘one man, one vote’.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa is waydiin mudan: maxay tahay arinta ku qasabtey in Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud oo ku riday Xukuumadii Prime Minster Sa’id in uu howshiisii ka soo bixi waayey, inuu hada ka hor imaado Prime Minister shaqadii qaranka ee loo dhiibay ka soo baxay? Aqristow, jawaabtu waa sida ka muuqata cinwaanka qoraalkayga, ahna shakiga isa soo taraaya oo ay QurboJoogta Soomaaliyeed ka qabaan hogaanka siyaasadeed ee Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud, oo aaminsan in xulufada Madaxwaynuhu yihiin dad inta badan lagu soo xulay nadhaamka xaqdarada ah ee loo yaqaan 4.5ka, isla markaana diidan in lagala xisaabtamo hantida wadanka iyo tiigsiga geedi soconka nabada dalka ee lagu heshiiyey.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed – oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta QurboJoogta iyo DalJoogtaba ayaa aaminsan in Wasiirka Arimaha Dibada, oo ay isku jifo yihiin gabadhii kashiftey maamulxumadda lagu dhaliilo Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud iyo xulafadiisa ee loo yaqaano ‘Damul Jadiidka’, ayaa u eg nin loo shaqaaleeyey in uu dhamaystiro howshii ayka biyo diiday madaxii bankiga dhexe ee Soomaaliya, Governor Yusur Abraar, oo ah sidii lagacagaha deeqda iyo hantidii uu dalka lahaa intii uusan dagaalkii sokeeye bilaaban loo soo aruurin lahaa, iyadoo isla markaana lala damacsan yahay in lagu fuliyo dano gaara oo ay xulufadaasi wataan. Arinta hada loo tuhmaayo in uu isqabsiga looga soo horjeestey Prime Minister Abdiwelina uu dhaliyey ay tahay arimaha la xariira nadhaamka ‘Federaalka’ oo cadaatey in xulufadaani ka caga jiidayaan.

Arinkaan oo u muuqda maahmaah cusub oo ka soo maaxatey maskaxdayda, taas oo ka tarjumaysa dhacdooyinka dagaalkii sokeeye, ee bilowday bishii 12aad (December) ee sanadkii 1990kii, oo bisha December ee sanadka 2014ka ay u buuxsami doonto, 25 sano, ku soo biiriyey dhaqanka dowliga iyo midka siyaasadeed ee Soomaliya, taasoo aan iri ‘Iska Fogay Caaqilka, Isticmaal Maqaarsaar Qabiilka Qanciya’, – fikirkaas iyo kuwo badana ay arimaha lama filaanka ah ee laga dhexlay nadhaaka xaqdarada ku salaysan ee loo yaqaan 4.5ka.

Dhinca kale, Siyaasiyiinta, QurboJoogta iyo dadka u dhuun daloola siyaasada Jubbaland, ayaa u arka Wasiirka Maaliyada in uu ka mid yahay shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay in uu ka mid yahay dadka loo adeegsado in aan lagala xisaabtamin hogaanka Hassan Sheikh Mohamoud dhinaca hantida Qasnada Dowlada ka baxday, mida hada ku sugan ama soo galaysa Qasnadaha Dowlada iyo Dhismaha Dowlad Gobeleedyada. Wasiirka Maaliyada oo lagu tiriyo in uu yahay dadka hortaagan dhismaha maamulgoboleedka Jubbaland oo gacanta hada u galay koox yar oo ugu horeeyo Abdirashiid Mohamed Xidig.Taas oo daliil ay uga dhigeen in Dowlada Goboleedka KoofurGalbeed taaba galay, ilaa iyo hadana aysan cadayn meesha Dowlada Goboleedkii Jubbaland, oo ay dadka reer Jubbaland u hanwaynaayeen, ku socdo.

Marka hada iyo dan, waxaa aqristow is waydiin mudan, maxay tahay waxa uu madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud iyo Xulafadiisa ay meel dheer iyo meel gaaban ugu mareen in ay u ridaan Xukuumadda hada jirta, ee uu madaxa ka yahay nin ka soo baxay shaqadii qaranka ee lagu aaminay? Miyeysan ahayn siyaasad la maleegay midii lagu riday Sa’id isaga oo lagu eedeeyey in uu shaqadiisa ka soo bixi waayey – anagoo ka maqalnay in xataa loo diiday, wax kale daayoo, in uu wadanka dibada uga baxo si uu uga qaybgalo shirarka caalamiga ee dhacay waqtigii uu xilka hayey?

Su’aalaha aan xusay iyo kuwo kaleba, hadii aan jawaabtooda doonto, waxaad arkaysaa in uu wadanka xulufo gaara ah ay afduubeen, kuwaasoo ah kuwo ku imaadey nadhaamka fooshaxun ee loo yaqaano 4.5ka, oo aan damacsaneen in ay doorasho xalaala wadanka ka dhicdo.
buluf3

Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ – qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, oo degan Magaalada Minneapolis, MN – kala xariir: junlay99@aol.com.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mooshinka Xaqdaradda Ah Waa Mid Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud Iyo Xulufadiisu: Uga Soo Horjeedaan ‘Xisaabtanka Iyo Geedi Soconka Nabada’ "

  1. Asc dhamaan qoraga iyo bahda somaliTalk sallaan kadib illahay somali haka samato bixiyo khiyaanada iyo dowlad xumada